8th October 2024  admin  Category :

Sida ay wax u dhaceen xalay oo lagu weeraray Hotelka Villa Rosa;

Waxa salaaddii makhrib kaddib yimid isgoyska tiyaatarka oo ay checkpoint u taallo Villa Somalia Gaashaanle Cabdishakur oo ah nin dhalinyaro oo dhawaan uu Mahad Salad u magacaabay madaxa NISA ee Bartamaha Muqdisho.

Cabdishakur waa sarkaal ka tirsana ciidanka milatariga ee Galmudug wuxuuna dhawaan uu Mahad Salaad ka keenay magaalada Guriceel.Cabdishakuur kama tirsaneyn ciidanka NISA, waxaana uu ku amray Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir G/Sare Muxudiin Warbac in uu Cabdishakuur u magacaabo qeybta Bartamaha NISA ee Muqdisho waxaana la siiyay laba Cabdi Bile iyo ciidan uu isaga kala yimid Guriceel oo staff u ah.

Baabuurka waday Qaraxa waxaa uu Cabdishakuur ka soo geliyay dhinaca Godka Jilicow marka ay baabuurtaas galeysay Hotelkana ayuu daqiiqada ka hor ka tagay checkpoontiga Tiyaatarka uu muddo 20 daqiiqo ah ku sugnaa sida laga arki doono CCTV uu saakay Mahad Salad ka qaatay xarunta.

Ujeedka lama yaqaan uu Cabdishakur u fududeeyay in la weeraro Hotel Villa Rosa, balse sida saraakiil badan ay ka warqabto waxaa Wasiirka Amniga uu beryahanba waday olole Mahad Salaad looga bedelaayo NISA oo uu wasiirka rabay in loo dhiibo Axmed Macallin Fiqi.

Waxaa loo badinayaa in bartilmaameedka weerarka uu aha in lagu qaarajiyo Wasiirka Amniga Doodishe.Sida ay wax u dhaceen waa sidan, qofkii raba xaqiiqna ha daawado CCTV uu Mahad Salad xarunta ka qaatay saakay.

WQ: Daljir NISA ka tirsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*