29th January 2023  admin  Category :

Riditaanka Gudoomiyaha Baarlamaanka waa in gaarsiiyaa codaynta Lixdan Xildhibaan

Intii la aas-aasay maamulka Puntland, waxaa xilka mooshin looga qaaday in ka badan 4 guddoomiye baarlamaan oo dhammaantood kasoo wada jeeda hal deeggaan. Dhammaantood waxaa lagu riday la xisaabtan ku aadan maamulka oo ay doonayeen darteed. Hadaba, intaa Puntland ay soo jirtay ma dhicin madaxweeyne ama madaxweeyne ku xiggeen mooshin laga keenay.

Inta badan baarlamaanka marka ay damcaan ineey la xisaabtamaan xukuumadda, waxaa markiiba uu madaxweeynaha u hawl gallaa sidii uu u ridi lahaa guddoomiyaha baarlamaanka, iyada oo la adeegsanayo lacago laaluush ah oo la siinayo xubnaha baarlamaanka.

Guddoomiyaha baarlamaanka hadii uu noqdo mid madaxweeynaha la shaqeeysta oo wax kastana yiraahda HAA, waxeey u badan tahay in guddoomiyahaas uu waqtigiisa si caadi ah uu u dhammeeysanayo, balse hadii uu la yimaado in xukuumadda uu la xisaabtamo, waxaa jawaabta ay noqoneeynsaa mid guddoomiyaha la rido.

Hadaba dhawaan waxaa baarlamaanka Puntland ay wax ka baddaleeyn tirada lagu ridi karo guddoomiyaha baarlamaanka iyo weliba xubnaha baarlamaanka taas oo laga dhigay inta madaxweeynah iyo madaxweeyne ku xiggeenka lagu ridi karo.

Maamlmahan waxaa jirtay doonis ay xukuumadda ku dooneeysay in laga noqdo go’aankii baarlamaanka ay gaareeyn oo loo soo noqdo sidii ay ahaan jirtay si riditaanka guddoomiyaha baarlamaanka uu u sahlanaado. Waxaa habboon in guddoomiyaha baarlamaanka riditaankiisa laga dhigo 60 xildhibaan oo laga badiyo tirada lagu ridi karo madaxweeynaha iyo ku xiggeenkiisa.

Sababta 60 looga dhigayo waa iyada oo ay tahay in is la xisaabtan dhab ah uu ka dhaco Puntland. Maanta Puntland waxaa xukuma kor illaa iyo hoos madaxweeynaha, hadii dadka ay u xiisa qabaan qof kor illaa iyo hoos iska maamulanaya maxaa loo riday dawladdii Kacaanka?

Madaxweeyne inta uu iska baxo heshiisyo iska soo saxiixanaya iyadoo dadkii dalka lahaa aysan waxba ka oggeeyn, oo xittaa aan la isla eegin waxa faa’iido dalka ugu jirta iyo dhibaatada ka iman karta midba. Waxaa shalay ugu danbeeyey madaxweeyne inta uu iska baxay kiligiis iskala soo saxiixday heshiiskii DP World. Ma jirin baarlamaan la hor keenay, ma jirto wadda tashi laga yeeshay heshiiskaas, maanta dekkedii Boosaaso waxeey u mehersantahay DP World, ma jirto dhaqasho, mana jirto wax la yiraahdo furniin toona.

Hadaba, si musuqmaasuqa loola dagaalamo oo loo joojiyo dhaqanka aadka u foosha xun ee nin kalligiis uu wuxuu doono iska maamulanayo, waa in guddoomiyaha baarlamaanka iyo xubnaha baarlamaanka loo kordhiyaa tirada lagu ridi karo oo laga sarreeysiiyaa midda madaxweeynaha iyo ku xiggeenkiisa si madaxweeynaha loola xisaabtami karo oo loo weeydiin karo:

In heshiis kasta uu madaxweeynaha soo gallo su’aalo ay ka weeydiiyaan baarlamaanka si loo eego heshiiskaas;

In madaxweeynaha uusan iska cayrin Karin qofkuu doono, balse uu keennaa sababta;

In wax laga weeydiin karaa cadawga dhulka soo weerarayo iyo in heshiis uu kall dhaxeeyo;

In wax laga weeydiin karaa inta Markab ee badda ku jirta iyo lacagta laga qaatay;

In wax laga weeydiin karaa hadii madaxweeynaha uu awoodda si shaqsi ah uu uga faa’iideeystay.

In wax laga weeydiin karaa danta guud hadii uu dayaco Iyo dhammaan wax kasta oo isla xisaabtanka sahli kara ay meesha ka muuqdaan, laakiin waxaan doonnaan qasayaa oo anigaa madaxweeynaha ah waa mid dib u dhigeeysa horumarka guud ee dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*