26th December 2024 admin Category :
Allah ha u wada naxariistee Aadan Gabyoow, Cumar Xaaji iyo Cawad Casharo Shalay waxay ka diideen Masaari, Cali Mahadi iyo ina Caydiid ayaa maanta Itoobiyaan iyo Niman sheeganaya inay Dir yiiin oo kala ah Cumar Geele, Axmed Shido iyo Muusi Biixi ku khasayaan beesha Daarood inay qaataan.
Intaan maamulka Puntland la dhisin ayaa beesha Majeerteen waxay shir ku qabsadeen magaalada Qardho ee gobolka Bari. Shiraas ayaa ku dhamaaday Khilaaf, ka dib markii Chairmaankii iyo Taliyihii Ciidamada SSDF Allah ha wada naxariistee Cabdulaahi Yuusuf iyo CabdiRizaaq Xaaji is mari waayeen
Isqabqasigan ayaa horseeday fashilaad iyo in lagu kala dareero Shirkii , wuxuuna sababay Khilaafkaaas soo kala dhex galay madaxdii SSDF inay Xamar aadaan oo ay kala raacaan Caydiid iyo Cali Mahd oo Sanado ka hor ka soo qaxiyey Beelaha Daarood Koonfurta Soomaalliaya.
Khilaafkan ayaa saameeyey guud ahaan beesha Daarood ,waxaana kuu cadeenaysa saamayntaasi halka ay gaartay ,ka dib markii siyaasiyiinta Hawiye ay ka heleen awood siyaado ah Shirkii Qaahira.
Dawladda Masaarida ayaa shirkaa Qaahira waxay miiska soo saareen, oo Soomaalida u sheegeen inay ogolaadaan in Raisa Wasaaraha iyo Madaxweynahaba laga dhigaayo siyaasiyiin ka soo jeeda Beesha Hawiye oo kala ah Ina Caydiid iyo Cali Mahadi.
Markii ay arintu halkaa maraysay ayaa shirkii ka socday Qaahira waxa fashiliyey Ruug cadaa siyaasadeed oo ay ka mid ahaayeen Allah ha wada naxariistee Adan Gabyow , Cawad Casharo iyo Cumar Xaaji
Caamir Muuse, oo ahaa wasiirka Arimaha Dibada Masar Xiligaaa, markii danbena noqday Xooghayaha guud ee Jaamacada Carabta ayaa hadalkii uu maalintaas ka sheegay BBCda wuxu ahaa ” Cabdulaahi yuusuf waxaan ku bedelaynaa Maxamed Abshir ,Aadn Gabyoowna waxaan ku bedelaynaa Jees Ninka la yiraahdo Cawad Casharo Beentiisii uga buuxday Bangiyada waa dhamaanaysaa” sidaa waxa yiri Amar Muuse.
Afrikaay Hurudooy
Arintan foosha xun oo USC oo Sanado ka hor Dadka soo qaxiyey,loogu abaal marinayo Madaxweyne iyo R’aisa Wasaare, ayaa waxa ka xumaaday Dhamaan Bulshada Daarood gaar ahaan Harti oo Hormuud u ahaayeen Xisbiga USP ,aqoonyahankooda,Garaadadooda iyo Suldaanadooda waxaana la go’aansaday in aanay soo dhoweyn Dawlad Soomaaliyeed Xiliyadan, sidaas awgeed ay sii samaystaan Meel ay ku sugaan Dawladanimo,Dadka mahada gaarka ah leh waxa ka mid ah Maxamed Cabdi Xashi,waxaana la bilaabay shirkii Dastuurka oo lagu qabtay Garoowe Feb 1997
Maqalaay Warlaay Ma Laguu Warramay
Ugu danbaynti, Shirkii Qaahira mid la mid ah ayaa Addis ababa ka socda oo lid ku ah beesha Daarood, gaar ahaan gobolada Sool iyo Sanaag. Shirkii Qaahira dibin daabyo kasta oo ay Masaaridu rabtay wax fiican ayaa ka soo baxay oo ahaa in la dhiso maamulka Puntland oo keenay dawladdaa hadda jirta. Maantana markii la arko Axmed Shido, Muuse Biix iyo Cumar Geele oo beesha Dir sadbursi u raadinaya waa in si dhakhso ah looga jawaabaa