27th July 2024  admin  Category :

Farmaajo oo doonayey Fanaaniinta Hargaysa iyo Adna iyo Saleeban Gaal oo sheegay inaanay Faqash danbe u heeseen

Wararka laga helayo Jabuuti ayaa sheegaya in lagu kala tagay Shirkii Guddiyada Farsamada ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo SNM, waxaana la isku mari waayay qodob ka mid ah War murtiyeedka shirka ee maanta la soo saari lahaa.

Dowladda Jabuuti ayaa dadaal ugu jirta in mar kale dhinacyada isu keento, si heshiis looga gaaro war murtiyeedka, waxaana dhinaca ka socday in beesha Isaaq diideen qodobka ahaa in aan la siyaasadeyn is dhex galka bulshada labada dhinac inay Muqdisho iyo Hargeysa isaga kala gooshi karaan, haddii ay ahaan laheyd Fanka, Dhaqanka, Ganacsiga iyo Isboortiga.

Inta badan qodobada laga wada hadlayay ee lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ah in aan la siyaasadeyn mashaariicda horumarineyd iyo saadaasha hawada iyo deyn cafinta.

Shirkan oo furitaankiisii ay ka qeybgaleen madaxda dalalka Soomaaliya,Jabuuti iyo Ethiopia ayaa loo saaray guddi farsamo iyadoo la filayay in guddigan uu soo saaro war murtiyeed labada dhinac lagu heshiis yahay.

Guddigan farsamada ayaa la isku raacay in ay kulmaan 45kii maalmoodba mar si ay uga wada hadlaan hirgelinta heshiiska la gaaray.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in guddiga ay qeyb ka yihiin xubno si gaar ah uga doodayo goosashada Beesha Isaaqa oo Adna Aadan madax u tahay

Hase yeeshee wararkii u dambeeyay ayaa sheegaya in ugu dambeyn caawa xilli dambe ama berri subax la soo saaro war murtiyeed ay labada dhinac heshiis ku yihiin, oo hadda beesha Isaaq diidan yihiin. Waxaana ka mid ah in fanaaniinta Hargaysa ay Muqdisho iman karaan. qodobkaa waxa aad ugu dhegan madaxweyne Farmaajo, hasee ahaatee Isaaqu waxay taagan yihiin Faqash danbe uma heesayno

ALLSANAA.com NEWS@ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*