26th July 2024  admin  Category :

 

Shirkii Beelaha Dishiishe iyo Majeerteen uga Socday Degmada Carmo oo Natiijo La.aan Kusoo Dhamaaday

Shir Mudo ku dhow hal Asbuuc Degmada Carmo Ee Gobolka Bari uga socday Ergo ka kala socotay Beelaha Majeerteen iyo Dishiishe oo dhowaantan Diriri ku dhexmartay Deegaanka Duur.idaad ee Gobolka Bari ayaa natiijo la.aan kusoo dhamaaday,ka dib markii la isku mari waayay Hanaanka Guud ee Shirku usocdo.

Beesha Calisaleebaan oo iyadu gogosha nabada dhigtay Degmada Carmo isla markaasina ay isku heybyihiin Beesha deegaanka Duur.idaad ku habsatay ee Ismaaciil Saleebaan ayaa ku guuldaraysatay Horusocodka Shirka,taas oo markii dame sababtay in shirka dib loo dhigo ilaa Ciidka ka dib.

Xal u helida Shaqaaqadan ayaa waxa ka qeyb ka ahaa Ergo ka kala socotay Beelaha Dhulbahante,Warsangeli iyo Ogaadeen Walow aysan ku qanacsanayn hanaanka Shirku usocday,iyadoona qaar ka mid ah Ergadii beelaha kor ku xusan aysan mudo hore shirka isaga baxeen.

Dhanka Maamulka Puntland:-

Maamulka Puntland oo uu ugu horeeyo Maamulka Gobolka Bari ayna ka mid ahaayeen Wasiirka Amniga Puntland,Arimaha Gudaha iyo Wasiirka Maaliyada ayaa dadaal xoog leh u galay xal u heli Shaqaaqadan deegaanka Duur.idaad ka taagan,iyagoona ku guuleystay Malayshiyaadkii Beelaha Majeerteen ee deegaankan lagu soo aruuriyey deegaankii dagaalku ka qaaday,isla markaasina geeyey deegaan u dhow degmada Ufeyn ee isla Gobolka Bari.

Isku soo wada duuboo deegaankan duur.idaad ayaa ah deegaan xoolo daaqeen ah,isla markaasina aan ku haboonayn dhul deegaan magaalo laga dhigo.

Axmed Joofaar-Raadreeb.com-Bosaaso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*