29th March 2024  admin  Category :

Shirkadaha Daneeya Shidaalka Somaaliya oo digniin loo diray

Madasha Xisbiyada Hawiye ayaa walaac ka muujiyay waxa ay ugu yeereen qaabka mugdiga ku jira ee loo maareynayo kheyraadka dalka, gaar ahaan shidaalka.

War saxaafadeed ay soo saartay Madasha ayaa waxay uga hadashay tartanka ruqsada 7-da xirmo ee ay dhowaan soo bandhigtay Xukuumadda, waxaana Madashu xustay in tartanka Xaraashka in la qorsheeyay in la bilaabo bisha August illaa bisha March 2021.

Madasha ayaa uga digtay Shirkadaha Caalamiga ah ee daneynaya Kheyraadka Soomaaliya in aysan ku degdegin gadashada xirmooyinka (Blocks) shidaalka Soomaaliya ee ku jira Bad iyo dhul.

“Maadaama dowladdu ku jirto xilli doorasho ah waxaa halis ah in wax walba oo dowladda gacanteeda gala ay u isticmaali karto ololaha doorashada taagan”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa ay Madashu ka digtay in muddo xileedka dowladda hada jirta oo ka harsan 8 bilood ay halis ku tahay dowladda ka dambeysa inay fulin weydo heshiisyo si degdeg ah loo sameeyay.

Halkan hoose ka akhriso War saxaafadeedka:-

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*