10th July 2026  admin  Category :

SHIRKA WADATASHIGA GOLEYAASHA DOWLADDA PUNTLAND IYO XILDHIBAANNADA PUNTLAND KU METELA LABADA AQAL EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA.

SHIRKA WADATASHIGA GOLEYAASHA DOWLADDA PUNTLAND IYO XILDHIBAANNADA PUNTLAND KU METELA LABADA AQAL EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA.

Garoowe : 10 March 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa caawa kulan afur iyo wadatashi ah la qaatay Goleyaasha Dowladda Puntland iyo Xildhibaannada Puntland ku metela Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ku sugan Garoowe .

Dowladda Puntland waxay markale ku celisay in Dastuurka sida sharci darada ah lagu bedelay ee Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud sameystay, aysan Puntland qeyb ka aheyn, sidaasi darteed aysan aqoon saneen , balse keliya ay aqoon santahay Dastuurkii Soomaali heshiiska ku aheyd ee 2012.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa u mahadceliyay Xildhibaannada Puntland ku metela Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, ee qaatay go’aan taariikhi ah iyo metelaad ay ku difaaceen in la bedelo Dastuurkii Soomaali Heshiiska ku aheyd.

Kulanka waxaa ka qeybagalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Saciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe), Xildhibaannada Puntland ku metela Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Goleyaasha Dowladda Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*