7th September 2024  admin  Category :

Shirka wacygalinta Doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Badhan

Wasiirku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Maxamed Musadaq Maxamed (Soomajeeste) oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Mudane Cabdulahi Siciid Aw-yuusuf ayaa ka qayb galay shirka wacygalinta Doorashooyinka Qof iyo Cod.

Wafdigii uu hogaaminaayey Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Agaasima Guud ayaa ka qayb galay shir wacyi gelin ah oo ku saabsan Arrimaha Doorashooyinka Qof iyo Cod ee Golayaasha Degaanka Dawlada Puntland oo ay soo qabanqaabiyeen Maamulka Gobolka Sanaag iyo kan Degmada Badhan.

Wasiirku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, oo khudbad kajeediyay madasha ayaa shacabka Gobolada Sanaag, ku dhiirigeliyey in la is diiwaangeliyo, si ay bari u doortaan dadkii uga shaqayn lahaa adeegyada aasaasiga ah iyo horumarinta Degmooyinka.

Ugu danbayn, Wasiirku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa carabka ku adkeeyey in loo diyaar garoobo diiwangelinta iyo qabsoomida Doorashada Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Dowladda Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*