26th July 2024  admin  Category :

Mareykanka oo waqtiga u kordhiyay dadka Soomaaliyeed ee sharci la’aanta ku jooga dalkaas

Bayaan ay soo saartay Khamiistii, Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka, ayaa lagu sheegay in Xaaladda Ilaalinta Ku Meel Gaarka ah (TPS) ee dadka Soomaaliya lagu kordhin doono 18 bilood.

Tallaabadan ayaa la macno ah in ku dhawaad 430 muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo horey u haystay TPS ay sii haysan doonaan darajadaas ilaa Sebtember 17, 2024,waxaana waaxdu intaa ku dartay in dad gaaraya 2,200 oo degenaa Maraykanka ilaa Janaayo sanadkan sidoo kale ay xaq u yeelan doona inay codsadaan ilaalinta.

“Iyadoo loo marayo kordhinta iyo dib u habeynta Soomaaliya si loo helo xaalad ilaalin ku meel gaar ah, Mareykanka wuxuu awood u yeelan doonaa inuu bixiyo badbaado iyo ilaalinta dadka Soomaaliyeed ee laga yaabo inaysan awoodin inay ku laabtaan dalkooda, iyadoo la eegayo colaadaha socda iyo dhibaatooyinka bini’aadanimo   ee sii socda,” sidaa waxaa yiri”Alejandro Mayorkas .

Washington waxay siisaa TPS muwaadiniinta dalalka ay xaaladuhu si adag uga jiraan, waxaana dalalkaasi kamid ah Afgaanistaan, Yemen, Haiti, Cameroon iyo Ukraine, iyo dalal kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*