26th April 2024  admin  Category :

Shirkaan oo ay ku mideeysan yahiin Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarnta Dhaqaalaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya  iyo Wasaaradaha Qorsheynta ee Dowlad Gobaleedyada.

Madashan waxaa ka qeyb galaya qaar ka mid Wasiiradda Qorsheynta dowladda gobaleedyada, Agaasimaha Guud iyo agaasime waaxeedyada Wasaaradda Qorsheynta Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Qorsheynta ee Dowlad Goboleedyada,  la taliye-yaal sare.

Madashani waxa ay socon doontaa muddo labo cisho ah (26-27 Febraayo, 2022) iyada oo lagu lafo-guri doono hannaanka wada shayeynta, iskaashiga  iyo muhimada ay leedahay u adkeysiga  masiibooyinka soo noq-noqday, Sidoo kale waxaa lagu kala dhageystay warbixinno la xiriiri kobcinta dhaqaalaha, xakameynta iyo ka hortaga saameynta masiibooyinka, iyo habsami u fulinta Qorshaha Horumarinta Qaranka.

Madashan waxaa la filaya in la’isku weydaarsado fikrado muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha iyo guud ahaan adkeynta hannaanka wadashqeynta labada heer ee dowladda Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa la filayaa in ay kasoo bixi doonaan talooyin wax ku ool ah oo fulintooda qeyb mug leh ka qaadan doono hoos u dhigista saboolnimada, joogteynta kobac dhaqaale waara, iyo sidoo kale sare u qaadista heerka nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Asad Yusuf Agaasimaha Guud ee Qorsheynta Qaranka  ayaa sharaxaad ka bixiyay muhiimada ay leedahay Madassha horumarinta Qaranka, “madashaan golaha hormarinta qaranka waa madal ay ku mideysan yihiin Wasaaradaha qorsheynta heer Federaal iyo heer maamul goboleed oo ay hoggaaminayso Wasaaradda qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ayna soo bilaabatay 2016 dii doorka aan ku leenaahy hormarinta qaranka waa hagida iyo isku duwista qaranka”

Madaxda ka socday dowladd gobaleedyada oo furitaanka shirka hadlo kooban ka jeedyay ayaa ka warbixiyay shaqooyinka ka socda deegganadooda iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac iyagoo tilmaamo ka bixyay Abaaraha ka jira deegnadooda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*