25th October 2024  admin  Category :

shirkii horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Jabuuti iyo Hobyo oo ka furay Garoowe

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Aadan Hoosow oo Shalay Soo-gaarey Magaala Madaxda Dowlad goboleedka puntland ee Garoowe ayaa Saaka Daah-furay Shirka horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee dib loogu dhisayo wadooyinka isku xira gobolada dalka Oo labo beri Socon doona.

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa Ku hawlan sidii dib u dayactir loogu sameyn lahaa burburka ku yimid wadooyinka laamiga ah ee isku xira gobolada Soomaaliya si kor loogu qaado isu socodka gaadiidka iyo dadka loona kobciyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Puntland ayaa ka mid ah goobaha aadka ugu baahan in la dayactiro wadooyinka laamiga ah Waxaana Mashruucaan qeyb ka ah wadada Isku xirta Garoowe iyo Gaalkacyo, Waxaa kale oo Kulamadan looga hadlayaa Burburka soo gaarey Wadooyinka Qaarkood oo Roobkii Gu’Ga ay gooyeen.

Wasiirka hawlaha guud ee Dowlad goboleedka Puntland Axmed Bashiir Muuse Cirro oo furitaaanka kulanka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in laga wada hadlayo Mashruucyada dalka dib loogu Dhisayo iyadoo Xoogga la saarayo kaabayaasha Dhaqaalaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*