26th November 2024 admin Category :
.
Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Puntland oo looga hadlay arrimo muhiim ah.
Shirka Golaha Xukuumadda dowladda Puntland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa todobaadkan looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay kamid ahaayeen Safarka Madaxweynaha ee gobolka Bari, Amniga, Waxbrashada: mashruuca Waxbarashadu waa iFtiin, Deeqo Waxbarasho iyo Fursado kale, Mabnuucidda caagagga foostooyinka, Dhismaha Goleyaasha Degaanka, Duulimaadyada Shirkadda Ethiopian Airline oo wiigii maalin kasta Puntland ka shaqaynaysa iyo Warbixino kale.