26th July 2024  admin  Category :

Waxaa goordhow xarunta Villa Hargeysa ka furmay Kala Fadhiga 1-aad Kulankiisa 1-aad ee Baarlamanka 11-aad, waxaana Shir guddominaya guddomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Kulanka ayaa warbixn kooban lagu siin doonaa xildhibaanada cusub iyo howlaha horyaala iyo qeybinta xeer hoosaadka u gaarka ah doorashooyinka guddoomiyeyaasha iyo madaxweynaha.

Gudoomiyaha Ku Meel Gaarka ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Dhabancad, ayaa jeedinaya khudbad kooban oo uu kaga hadlayo qorshaha Baarlamaanka oo maanta yeelanaya fadhigoodii koobaad.

Sida wararku sheegayaan, dood adag ayaa hareysay kulanka maanta, iyadoo Xildhibaanada diideen soo jeedinta guddoomiyaha Kumeel gaarka ah ee Golaha Shacabka taas oo ahayd magacaabista 10 xubnood oo noqonaya guddiga doorashada guddoonka Golaha Shacabka.

Sida wararku tilmaamayaan, Dood dheer ka dib waxaa la isku afgartay in beel walbo ay 2 xubnood iska soo xusho ka dibna guddoomiyaha u soo gudbiyaan mudo saacad gudaheeda ah, si loo meel mariyo.

Xubnaha guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka 11aad, xubnahan ayay iska soo dhex doorteen 5ta beelood, waxaana ay noqon doonaan gudiga rasmiga ah.

No photo description available.

1- Cabdullaahi Rooble- kasoo jeeda Puntland (Daarood)

2- Mohamed Hussein Hadi- Kasoo jeeda Somaliland (Dir)

3- Cabdirisaaq Cumar- kasoo jeeda Hirshabeelle. (Hawiye)

4- Xuseen Maxamed Nuur- kasoo jeeda Galmudug (Hawiye)

5- Xaaji Cali Max’ed Nuur- Kasoo jeeda Koonfur Galbeed (Digil iyo Mirifle)

6- Maxamed Abukar- Kasoo jeeda Koonfur Galbeed (Digil iyo Mirifle)

7- Dahabo Suusow Maxamud- Kasoo jeeda Hirshabeelle (Beesha 5aad)

8- Qaasim Cilmi Seed- kasoo jeeda Galmudug (Daarood)

9- Cumar Sharif Jeeg- kasoo jeeda Banaadir (Beesha 5aad)

10- Nasro Mahdi Caraale- kasoo jeeda Jubbaland (DIR).

Kulanka maanta waxaa gudoominaya Gudoomiyaha KMG-ka ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Xaaji Liibaan (Dhabancad), waxaana xarunta lagu dhaariyay xildhibaano uu kamid yahay taliyihii ciidanka asluubta Jeneraal Mahad C/raxmaan oo loo yaqaano taliye Shub.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*