26th July 2024  admin  Category :

Axmed Madoobe oo ka qeyb galay shir dhanka muuqaalka ah uu soo qaban qaabiyay UN-ka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka qaybgalay shir ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay oo lagaga hadlayay Qodobo kala duwan oo kamid ah Geedi socodka dalka iyo caqabadaha taagan.

Kulankan oo ku dhacay hab maqal iyo muuqaal toos ah ayaa waxaa ka qaybgalay Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan, Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez, Safiirada wadamada USA, UK, Norway, Sweden , Germany Kenya, Itoobiya, Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Urur Goboleedka IGAD iyo Wakiilada iyo Madaxda Ururada daneeya arrimaha Soomaaliya.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray Sidii looga hortagi lahaa faafida Xanuunka #Covid19 oo kiisas kala duwan laga helay Jubbaland qaar kamid ahna ay u dhinteen waxaa kale oo lagaga hadlayay kulankan Arimaha amaanka iyo Doorashooyinka heer Federaal ee fooda inagu soo haya sidii ay ugu dhici lahayeen si nabadgalyo ah oo xor iyo xalaal ah wakhtigooda.

Image may contain: 1 person, sitting and indoor

ALLSANAAG.COM, NEWS@ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*