26th July 2024  admin  Category :

Shiinaha oo ka hadlay dagaalka Laascaanood

Dawladda Shiinaha ayaa golaha ammaanka dhexdiisa kaga hadashay arrimaha Soomaaliya ka dib booqashadii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay Zhan Jun oo si faahfaasan uga hadlay arrimaha Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday dagaalka Laascaanood.

“Dagaalka Laasacaanood ee u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo maleeshiyada deegaanka waxaan ugu baaqeynaa dhammaan qeybaha dagaalka ku lugta leh inay degdeg xabadda u joojiyaan, ciidamadooda kala baxaan wadahadalna ay galaan” ayuu yiri.

Hore ayey saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya u cambaareeyeen dagaalka Laascaanood. Bayaan ay soo saareen ayey ku sheegeen in ay “aad uga welwelsan yihiin” saameynta dadka rayidka ah kasoo gaareysa isku dhacyadan socday muddada.

Laascaanood
Qoraalka sawirka,Laascaanood

Mowqifka Shiinaha ee Somaliland

Somaliland ayaa heshiis la gashay Taiwan taas oo ka cadheysiisay Shiinaha iyadoo Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad uu Taiwan ka dalbaday in ay ka digtoonaato ‘ku xadgudubka qarannimada Soomaaliya’.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay mowqifkooda iyo sida ay u arkaan Soomaaliya.

Wuxuu ka sheegay golaha ammaanka in ay ka soo horjeedaan wax kasta oo kala qeybinaya Soomaaliya, waxna u dhimaya madaxbannaanida dhuleed.

Shiinaha wuxuu hore ugu celceliyey in Taiwan ay tahay qeyb dhulkiisa.

Halkee kala taagan yihiin dhinacyada dagaallamaya?

Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland bilowgii dagaalka waxay sheegtay in Laascaanood ay kula dagaallamayaan qaar ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Wasaarada arrimaha dibadda Soomaaliland ayaa markii dagaalka qarxay boggeeda Facebooka soo dhigtay sida dagaalka ku bilowday.

“Kooxaha huwanta ah ee ku sugan magaalada Laascaanood ee ka kooban argagixiso, nabad-diid iyo Puntland ayaa maanta weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan agagaarka magaalada Laascaanood” ayey tiri wasaaraddu qoraal ay shaacisay bishii Maarso.

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka jawaabay eedda dagaalka ayaa sheegay in Puntland aysan qayb ka ahayn dagaalka Laascaanood ka socda balse ay taageerayaan mowqifka odayaasha SSC.

Afhayeen u hadlay guddiga aayo-katashiga SSC oo ka jawaabayay eedeyntaas ayaa isna dhinacooda BBC-da u sheegay in dadka deegaanka ay la dagaallamayaan ciidamada Somaliland.

Bilowgii dagaalka waxaa laysku dayay in dhexdhexaadin la sameeyo si uusan u sii dheeraan.

Dowladda Itoobiya ayaa dhexdhexaadin ka dhex billowday Soomaliland iyo odayaasha dhaqanka ee deegaannada SSC, si loo soo afjaro colaadda halkaa muddaba ka taagan balse ma shaqeyn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*