29th March 2024  admin  Category :

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Wafdiga Shariif Xasan waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubba-land Axmed Madoobe iyo xubno kale oo ka tirsan maamulkiisa.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubba Axmed Madoobe ayaa ku casuumay madaxda dowlad goboleedyada dalka inay ka soo qeybgalaan shir ay yeelanayaan madaxda dowlad goboleedyada dalka oo lagu wado in uu ka furmo maalinta Axadda ah magaalada Kismaayo.

Shirkan ayaa waxaa si rasmi ah u shaaciyay inay ka soo qeybgalaan Maamul goboleedka Puntland iyadoo lagu wado inuu gaaro magaalada Kismaayo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Gaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*