26th July 2024  admin  Category :

Dadka qurba joogta ah ayaa dalka u soo shaqa tagga xilliga ay doorashooyinka soo dhawyihiin, waxeeyna isku soo sharaxaan madaxtinimada midda heer maamul gobol iyo tan federaal. Hadaba, qofka qurba joogta ah ee xaaskiisa iyo carruutiisa ay ku nool yihiin qurbaha, hadana u soo shaqo tagay dalka Soomaaliya ayaa u baahan in wax la iska weeydiiyo.

Waxaa dhab ah, in qofka ay carruurtiisa iyo xaaskiisa ay degganyihiin dalka, uu ugga danqasho badan yahay qofka ay reerkiisa deggan yihiin qurbaha. Qofka qurbaha ka yimid, haddii ay dhib yar dhacdo dalka waxa uu markiiba u cararayaa dalkii uu ka yimid, laakiin qofka dalka joogay oo aan meel kalle uu u cararo heesan, waxa uu isku dayayaa sidii uu xal ugu helli lahaa dhibka soo kordhay.

Si kastaba ha ahaatee, wadamo badan oo caalamka ah, waxaa ka yaal sharciyo aad u adag oo ku aadan qofka heesta dhalasho dal kalle in uu isku soo taagi karo doorasho madaxtinimo waayoo ah waxaa loo arkaa qof ajnabi ah oo aan ka tarjumeen guud ahaan waxa ka jira dalkaas, waxaa kaloo dhici karta in uu jeebka ku wato ajandayaal ay u soo dhiibteen dalal shisheeye. Hadaba, dalka Soomaaliya guud ahaan ayaa u baahan in wax laga beddello musharixiinta isku soo sharaxayo maamulada dalka iyo dawladda dhexe ee ka imanaya qurbaha.

Maanta, Puntland waxaa u sharaxan musharixiin badan oo ka yimid qurbaha. Hadaba, miyeeysan habbooneen in sharciyo laga soo saaro dadka isku sharaxaya madaxtinimada heer gobol iyo mid federaal? Sharciyadaas oo lagu xakameenayo Ajaanibta Qurba Joogta Soomaalieed ee la imanaya danayaasha kalla duggan si loo illaaliyo jiritaanka ummada Soomaaliyeed. Sharcigu wuxuu noqon karaa:

In qofka uu deggenaa dalka Soomaaliya shantii sanno ee u danbeesay;

In marka horre uu qofka ka tanaasullo dhalashadad dalka uu ka yimid;

in uusan isku soo sharixi karin qofka qubaha ka yimid xil siyaasadeed noocuu doono ha ahaadee;

In xaaskiisa iyo carruurtiisa uu dalka keeno si lacagta uu qaadanayo ay dalka u gasho iyo sharciyo kalle oo badan si loola tacaalo masiibada qurba joogta ay la imanayaan.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*