26th July 2024  admin  Category :

Maamulka Hargeeysa waxaa iska leh beelaha ku abtirsada SNMta, mana jirto wax maamul ah oo ay wada dhisteen dadkii degganaa dhulkii la isku oran jiray British Somaliland.

Shaqsiyaadka maanta ka soo jeeda Sool iyo Sanaag ee la jooga beesha Isaaq waa kuwo marti u ah beeshaas oo wixii la siiyo ay tahay ineey qaataan. Waana ay kalla duwan yihiin marka qof aad wax wadda dhisataan oo aad wada leedihiin iyo marka qof uu jeebkiisa wax kaa siiyo.

Waxaa haboon shaqsiyaadka beesha Isaaq wax weeydiisanaya ineeysan ku ciyaarin sharafta dadkooda, waayoo ah dadkooda waxeey muddan yihiin in la dhawro sharaftooda, waxaana wax laga xummaada ah inuu qof yiraahdo wasiir la ima siin. Maanta wasiirka ka soo jeeda goblka Sanaag oo ay magacwdeen beesha Isaaq haka soo jeedo Cumar and Dubeeys ma matalaan shacabka Warsangeli.

Maanta beesha Isaaq waxeey heeystaan madaxweeynihii, xisbiyadii, caasimadii, iyo wixii kalle oo dhan marka sidee uggu qanci kartaa in dhawr wasiir lagu siiyo dabadeedna aad u noqotaa qof ku qanacsan. Teeda kalle, qof dhulkaagii iyo dadkaagiiba sheeganaya sidee ayaa wax u weeydiisataan?

Dadka gobolka Sanaag deggan waqtigan waa dad Puntland ka tirsan haddii laga baxayo maamulka Puntland iyo haddii kalle waa tallo u taal dadka deegaankaas. Haddii Isaaq maanta la damco in wax lala qeeybsado waa in wax kasta sagxada laga soo billaabaa, lagana wada hadlaa xitaa qofka wax xaaqaya, laakiin wasiir ayaa la ii magacaabay taas waa bahdilaad iyo wax aan qaban dadka gobolada Sool iyo Sanaag deggan.

Qofka beesha Isaaq wasiir weeydiisanaya waxaa haboon in shaqsi ahaan uu wax ugga raadsado, shaqsi ahaantiisana uu isaga hadlo, laakiin uusan magaca Dhulbahante iyo Warsangeli uusan isticmaalin, waayoo ah magaca guud waxa uu ka dhaxeeyaa dad shacab ah oo raali aan ka aheen arrimahaas la sameeyanayo, marka waa inaan meel looga dhicin dadkaa sharaftooda.

https://youtu.be/A9ond0MbulE

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*