29th March 2024  admin  Category :

Magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta waxaa ka dhacday doorashada shan kursi oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka.

Doorashadan oo ka dhacday saldhigga ciidamada Milatariga ee 54aad ayaa waxaa ku soo baxay labo ka mid ah golaha wasiirada Puntland halka labo kursi ee kale dib loogu doortay xildhibaanadii hore ugu fadhiyay iyadoo kursiga shanaadna uu ku soo baxay xildhibaan cusub.

Halkan hoose ka aqriso magacyada xildhibaanada la doortay iyo weliba xildhibaanadii hore ugu fadhiyay kursiga.

Cabdi Ibraahim Warsame oo ahaa wasiir ku xigeenka Maaliyada Puntland ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hope#196 iyadoo kursigaas hore uu ugu fadhiyay Axmed Maxamed Axmed.

Cabdullaahi Xasan Rooble oo ahaa wasiiru dowlaha waxbarashada Puntland ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#249,waxaana kursigaas hore ugu fadhiyay Sharma’arke Saleyman Buraale

Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo hore ugu fadhiyay kursigan Hop#235 ayaa markale la doortay.

Cali Yuusuf Cali oo hore ugu fadhiyay kursigan Hop#200 ayaa markale ku guuleystay kursigan.

Axmed Cabdi Xaashi Axmed Taajir ayaa ku guuleystay kursiga Hop#166 oo uu hore ugu fadhiyay Saadaq Xirsi Warfaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*