27th December 2024 admin Category :
Qaswadayaal badan ayaa laga soo diray magaalada Muqdisho kuwaas oo loo soo diray doorashada Puntland ka dhici doonta. Hadaba, maanta waxaa soo gaaray magaalada Garoowe Cali Ciise oo ka mid ahaa dadkii ku fashilmay sidii la isugu keeni lahaa shacabka gobolka Sool.
Qaska laga waddo dalka Soomaaliya ayaa dabada waxaa ka riixaya qaswadayaasha Farmaajo iyo Kheeyre ay hoggaamiyaan oo iyagu ku fashilmay suggida amniga caasimadda Muqdisho. Hadaba dadka aaminsan Nabad iyo Nolol ee u dhashay Puntland waa ineey oggaadaan inaan wax wannaagsan loo soo waddin, oo aan ka aheen burburintooda. Haddii Kheeyre iyo Farmaajo ay wax wannaagsan wadaan,
Shacabka Muqdisho deggan lama qarxiyeen maalin kasta;
Gobolada doorashooyinkooda lama farageliyeen;
Lacagta shacabka laguma bixiyeen doorashooyinka gobolada si kursiga loo hanto;
Dadka lagulama dagaalameen kalla aragti duwannaanta;
Lacagta shacabka laguma kireeysteen dad Facebook dawladda ka ammaana, sawirana ku caaya kuwa ka soo hor jeeda;
Maamulada laguma dhaheen lacag waan ku siineeynaa haddaad na taageersan tahay, haddii kalle waxba ku siin meeyno;
Hadaba, qofka taageersan Farmaajo iyo Kheeyre dib ha isugu noqdo, hana eego waxeey soo kordhiyeen oo aan ka aheen waxyaabo yar sida:
Hawadda Soomaaliya oo la soo celliyey;
Dhalinayarro xabsiyada laga soo daayey;
Deenta oo la cafiyo oo dawladdo lagala Hadley iyo IMFta;
Shaqaalaha iyo ciidanka Muqdisho oo mushaarkooda la siiyo;
Hadaba, dadka taageersan Nabad iyo Nolol ma intaas ayaad u aragtaan horumar marba haddii aadan ku safri karin Muqdisho iyo Afgooye ama Muqdisho iyo Jowhar si nabad ah? Aaway amnigii guud ee dalka? Aaway dib u heshiisiinta ummadda?
Hadaba, shacabka Puntland waa ineeysan miro gunti ku jira aysan u daadin kuwo geed saaran, iyadoo loo shidayo muuqaalo aan jirin oo ku kooban oo kalliya ammaan iyo tororog. Farmaajo iyo Kheeyre inta shacabka wax fahansan mar horre ayeey barteen riwaayadooda, balse kuwa masaakiinta ah dabcan marka ay xeeyro iyo fandhaal kalla dhacaan ayeey garan doonnaan.
Allsanaag.com