26th April 2024  admin  Category :

Waa shacab loo sheegay waxaan jirin, oo maxaa loo sheegay shacabkaas? Shacabkaas waa shacab loo sheegay in barwaaqo ay dhex gellidoonaan. Yeey yihiin kuwa barwaaqada dhex gellinaya shacabkaas? Waa hoggaamiyayaasha SNMta ee fadhigoodu yahay Hargeeysa.

Shacabka Hargeeysa iyo magaalooyinka ku xeeran waxaa loo sheegay in dal madaxbannaan ay noqon doonaan, markaas kadibna ay noqonayaan dal la mid ah sida Malaysia, Singapore iyo Koonfurta Kuuriya. Hase ahaatee ineey dhacdo taas iskaba daa, dadka waxaa lagu ootay Burco iyo Hargeeysa inta u dhaxeeysa. Dadka waa kuwo la iska xiro markii la doono, waa la iska dillaa markii loo baahdo, guryaha ayaa loogu dhacaa markii ay noqoto, waana meel afkaartaada si xor aadan u dhiiban Karin.

Shacabka waxaa la baraa oo kalliya qabyaaladda iyo naceeybka ay u qabaan Soomaalida kalle, marka dadka ay isugu yimaadaan meelaha lagu qayilo iyo maqaayadaha shaaha laga cabbo waxaa inta badan looga sheekeeystaa qabyaaladda sababtoo ah dadka ma jirto wax kale oo la baray oo aan ka aheen faqash iyo habro. Siyaasi Duur waxa uu ka dhawaajiyey in qabyaaladda Soomaalida oo idil marka la isku darro 70 boqolkii ay taalo Hargeeysa iyo nawaaxigeeda. Soomaalidii kale oo dhan waxaa dhex taal waa 30 boqolkii.

Hadaba marka taa laga yimaado, shacabka waxaa loo sheegaa waxaan jirin oo ku saabsan aqoonsiga. Siyaasiyiinta waxeey isla soo sawiraan shaqsi ka mid ah baarlamaanada dunida, nin maqaaxi kabaliyeeri ka ah, nin wariye ah ama dadkaa caadiga ah, waxaana dadka loo sheegaa in aqoonsigii lagala soo hadlay dadkaas, mar dhawna la aqoonsanayo.

Dhalinyaro badan oo ka yimid Hargeeysa iyo Nawaaxigeeda ayaa marka ay yimaadaan deegaanada kale ee Soomaalida sida Puntland, Muqdisho, Hirshabeele iyo Koonfru Galbeed waxaa ay la yaabaan qaabkii ay u noolaayeen iyo qaabka looga noolyahay meelaha ay tageeyn. Ma jirto wax qabyaalad ka hadlaya har iyo habbeen, dadkuna waa kuwo danahooda raacanaya, meesha Hargeeysa lagu mashquulsan yahay faqash iyo habro.

Haddeer waxaa la billaabay in shacabka loo shido fillin kale kaas oo ka yimid dhinaca Qaarada Africa. Waxaan la soconaa in Afrika musuqmaasuqa uu ka yahay wax caadi ah. Tusaale, waxaa maalmahan loo yeeranayaa wasiiro ka mid ah dalalkaas Afrikaanka ah, waxaana lagu qarash gareenayaa lacagtii yareed ee adduunka ay soo sadaqeeysteen. Wasiiradaas imanaya Hargeeysa ujeedkooda ugu weeyn waxa uu yahay sidii ay dhawrkoodaa malyan ay uga soo qaadana lahaayeen meesha. Waxaana ay u sheegaan maamulkaas riwaayadda kunool in aqoonsiga ay kala qeeyb qaadanayaan, balse dib danbe looma arko, heshiisyada la galana waa kuwo aan macna badan soo kordhineeyn.

Hadaba socdaakii ugu danbeeyey waxaa shalay ku yimid Hargeeysa wafdi Saambiyaan ah oo iyaguna doonaya ineey xooggaagooda ka sii qaataan meesha. Kuwii hore waxaan ognahay inaan wax natiijo ah aysan ka soo bixin, kuwa haddeer imanayana iyo kuwa mustaqbalka iman doona dhammaantood waa kuwo mari doona isku waddo. Dadka aan waxba faa’iidi doonin waxeey noqon doonnnaan shacabak beenta lagu maalayo ee la dhex fadhiisiyey Hargeeysa iyo Burco inta u dhaxeeysa.

2 thoughts on “Shacab la Maalayo

  1. Jirac

    Waxaan su’aal weydiiyey YAHUUDIGA MICHEAL RUBIN AEI AMERICAN ENTERPRISE INSTITUTE marabo inaan halakan ku soo qoro wixii Ina dhex maray however Anaku hal qowmiyad ah baan islanahay “SOMALI” aduunka meesha aad rabto tag Djiboutian ahow ama Ciise, ama Daarood ahow ama Dir, Hawiye, ama Raxanweyn ahow you’re Somali nothing else. Purpose ku muxuu yahay Money ? dhaqaalo helid waa lakala shaqeysanayaa. Aniga shaqsiyan wllhi saaxiibadey 90% waa beesha SNM ma necbi lkn waxaa iga yaabiyey isma qabtaan. Waxaan jecelnahay inaan toosino anakaa wada dhalaney ilaahay nagu beeray dhulka Somaliyeed ISIR qoomiyadeedna isla ah oo Somali ahaana doona. Tusaale Waxaan u safray GOBALKA NUGAAL puntland 2009 Waxaan tagay CEELASHII dadka lagu sumeeyey xiligii militaryga meelihii dadka nagu aasay nin oday ah baa igu yidhi maandhow ma fiyowdahay mise Isaaq baa tahay ama wax kuu galeen? Haa waa fiyoobahay Isaaq waxbaa ii galeen markaas buu yidhi ma’anaan garan markaas buu sii raaciyey maandhow aan kuu duceeyee ka gudub waxii military gu geysteen ee maanta Afweyne ma noola Cali Samatar na cidi wax u raacan meyso in la soo hadal qaado baan dhibsanaa “DUUBYADA IYO DADKA LA SUMEEYEY Anakuna walaahi it had impact on me waligayo isir baynu ahaaneynaa waxbaa la wanaajiyaaye wax lama qaloociyo waana laga gudbaa 12 years baa ka soo wareegtay markaas waxaa laga hadlayey las’anod iyo SNM bartii ay taagneyd maalintaas bay taagan tahay inta ay SNM ku dileen qof miskiin ah oo Harti ah ama Daarood ah lagama dilin since 2009 walina way wadaan maantaa u danbeysay oo ay QORILUGUD dad ku laayeen. Miyeysan aheyn xiligii la oran lahaa MAGACA BEDESHA oo ka baxa qoomiyada Somalida dhulka inta aad degtaana MAGAC KALE ULA BAXA. Mar baan ku fekeray Xiligii BOQORTOOTADII SOMALIYEED EE ADALITE ee Islam ka taariikh da lagu barto xitaa Greece taariikh dooda lagu barto dadkani maxay ahaan jireen Islam ma soo gaarin miyaa mise si qaldan baa taariikhda loo qoraa dadkanaga gaadha macnaha caqligooda waxaa ila moodaa inuu fooraro yacni u fiirsada taariikh da ama dhaqanka Example tii awoowayaashayo iyo Imperial English dhex martay DIR iyo Daarood isma kala sooci jirin imperial kii baa ula yimid wayna ka dagaaleen awoowgey baa ku dhibtay dagaalkaas dadkanaga wax ma qori jirin lakiin hal heysyadii markaad dib u raacdo waad fahmeysaa tusaale halheyskan DARVISHES ka markaad si fiican u eegto waxaad fahmeysaa ineyyan la dirireyn English kali ah ee ay la dirirayeen Hindi iyo African ama Indian soldiers and African slave soldiers “Ama Singa Singa keen ama Sankadhuudhi keen gacantaydu way ku gaarin” macnaha halhayska askarta DARWISH ta buu ahaa markay wax dhisayaan ama tranches sameysanayaan. Bal eega Racist imperial English dhibka uu dadkanaga ku hayey Singa Singa and Slave African soldiers used to oppress our people 1.2 million soldiers paid their ultimate life including my great grandfather. Waxyaalaha la yaabka leh waxaa weeye beesha SNM taariikh daas wayba ka xajiimoodaan I totally don’t understand yeah xitaa SNM kuma arkaysid DARWISH ama Daraawish soldiers waxay igu dhalisay su’aasha ah tolow ma taariikh daa si qaldan loo qoray mise qabiilka Isaaq baa u arkay inuu DAAROOD GUNEYSAN JIRAY waa su’aal ii taagan oo aan ilaa hada jawaab u la’ahay beesha SNM ma Daarood baa gumeystay mise Somali DARVISHES died in vine? Wax badan oo aan la yaabay anigu shaqsiyan baa jira bilihii barakeysnaa baa lagu jiraa dadkanaga ayaa baahan oo u baahan in Hoos loo eego lacagta beesha SNM siineyso Singa Singa iyo Sanka dhuudhi iska dhal hooyooyinka Somaliyeed oo waliba beesha SNM ah ha siiyaan iyakaa xaq u leh cid kale wax kama rabtee nabad galyo aan ka gelno caf Allah iyo masaabax wabillhi towfiiq.

    Reply
  2. Haashim

    Waxaa is leeyahay shacabka waxba ma galabsan ee hogaan xumo ayaa heshay. Shacabka in Hargeeysa lagu hayo rag ayeey dan ugu jirtaa oo ka lacageestay.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*