28th March 2024  admin  Category :

Jaaliyada Jubaland ee wadanka Denmark oo shahaado sharaf Gudoonsiiyay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam

Kismaayo, Jubaland (5 May, 2017)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa ka gudoomay shahaado Sharaf la taliyaha idman ee Arimaha Siyaasada Mudane Maxamed Cabdi Nuur oo ay soo wakiisheena Jaaliyada Jubbaland ee wadanka Denmark oo shahaado sharaftan u gartay Madaxweynaha.

Jaaliyadu waxay Madaxweynaha Shahaado Sharafta ugu garteen Dadaalkiisa la xiriira hananka dhismaha Maamulka suuban iyo haykalka Dowladnimo ee uu ka hirgaliyay Jubbaland, amaanka iyo kala danbaynta deeganada xorta ah, doorkii wanaagsanaa ee uu ka ciyaaray wakhtigii kala guurka Siyaasada Soomaaliya, iyo dhismaha iyo kor u qaadista kaabayaasha shaqaalaha ee deeganka.

Mudane Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Dowlada Jubbaland waxaa uu ku amaanay Jaaliyada deeganka sida hagar la’aanta ah, ee ay uga qayb qaadanayaan dhismaha dalka.

Waxaa uu balan qaaday in Qurba joogta deeganka gacmo furan lagu soo dhawaynayo isla markaana laga doonayo in dalkooda ay maalgashadaan.Hoos ka eeg shahaada sharafta
shahaado

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*