18th April 2024  admin  Category :

Farmaajo ” Geso beeshayada ayaa degta cid aan anaga ahayna ka talin mayso”

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay Dhuusamareeb ayaa ka hadlay natiijo la’aanta uu ku dhamaaday shirkii maalmahan socday, waxaana mas’uuliyadda burburka ku yimid wada hadaladaas uu dusha uga tuuray Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka hadlay sababihii dhaliyay in natiijo la’aan uu ku dhamaado shirkii Dhuusamareeb waxana uu ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo inuu sabab u ahaa natiijo la’aanta.

“Madaxweynuhu wuxuu isku soo koobay sheegasho hal gobol iyo hal degmo oo Soomaaliya ka mid ah, oo degmo ka mid ah Gobolka Gedo oo kuraas ay taallo uu yiraahdo aniga un baa ka talinaya, haddaba Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday sidee buu Soomaaliya u xukumi karaa hadduu hal degmo sheegtay oo yiri annaa leh, anaa ka soo jeeda oo reerkeyga dega, anaa maamulaya oo doorashadeeda maamulaya, suurta gal miyay noqoneysaa Madaxweynuhu in Soomaaliyada kale oo dhan inuu isaga mas’uul ka noqdo oo yiraahdo anaa Madaxweyne ka ah, deegaan heerkaas la eg uu ku kooban yahay wax dhici kara maaha, waa Nasiib darro”ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

One thought on “Sayid Axmed oo Garnaqsaday

  1. Jirac

    Inaa li’lashi wa’inaa ileyhu raajucuun. Mudane Ahmed Islam “Jubaland” ayaa si cad u qeexay waana arkayney inay waxaas dhacayaan madaxweynehii dhamaa hal magaalo isu soo koobay Su’aasha ah 4tii sano dalka yaa maamulayey? I wish to get an answer from “yuulka Abdiweli Sh Ahmed raisul wasaarihii hore ee Somalia xiligii Hassan Culusow” sidee bay ku dhacday sidani in markuu soo toosana music loo shido markii waqtigu ka dhamaadayna wiilashayadii Reer DIINI madaxa la’iskugu dhufto. Wadanka hada ha loo gacangeliyo Odaga Cabdi Hashi 4 months in dalka doorasho xalaal ah oo heshiis lagu yahay gaarsiiyo Farmajo ha is cadilo caawa haduu caqli leeyahay waayo waxaaba suultagal ah khayrehii waxaas oo wareer ah dalka geliyey inuu booskiisa doonayo suurta galna tahay inuuba helo SUBXAANALLAH Farmajo Waa EBER ZERO Good luck

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*