26th March 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta gaaray Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Boqolaal dadweyne ah Masuuliyiin kala duwan ayaa Madaxweynaha kusoo dhawaysay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Dhoobley.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan sarakiil katirsan Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa Xooga dalka ayaa halkaas u tagay dib u habaynta Ciidamada Darawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa xooga dalka ee aagan ka howlgala.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale intu Dhoobley ku sugan yahay la kulmi doona Dadweynaha iyo masuuliyiinta maamulka Deegaanka.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*