26th July 2024  admin  Category :

Sameynta Abaaraha ka jira Deegaanada Puntland Oo Sii Baahaysa

Abaarta ka jirta dalka Soomaaliya ayaa noqonaysa mid saamaynteedu ay sii balaaranayso, waxaana dadka reer miyiga ah ka sii dhamaanaya xoolihii ay dhaqan jireen.

Meelaha ay saamaynta ugu badan ku yeelatay waxaa ka mid ah gobolada Puntland. Mohamed waa nin reer miyi ah oo ku nool dhulka miyiga ah ee gobolka Nugaal, waxa uu abaarta ka hor haystay 360 neef oo ari ah, hadda waxaa uga sii haray 90 neef oo aan wax nafaaci ah lahayn.

Hay’adda Laanqayrta cas ee caalamiga ah (ICRC) ayaa halkaas ku booqatay waxaana halkaas lagu soo arkay xaalad aad u qalafsan oo ka qarsoon indhaca caalamka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*