26th April 2024  admin  Category :

Saldhig Argagixisasda SNM ku lahaayeen gobolka Sool ayaa ciidamada Puntland caawa dab qabadsiiyeen

Dagaal u dhaxeeya Maleeshiyaadka SNMta iyo Ciidamada Qalabka Sida Ee Dowladda Puntland Ayaa Caawa ka socda degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Wararka halkaasi ka imanaya ayaa sheegaya in dagaalka xooggiisu ka socdo meesha la yidhaahdo Laagta-xagarta oo u dhow  Tukaraq.

Saldhigii ugu weynaa ee maleeshiyaadka SNM ku lahaayeen degaanada Tukaraq ayaa dab  la qabadsiiyey waana hocanayaa, iftiinka rasaasta qarxaysa ayaa laga arkayaa dhowr km meel u jirta saldhiga argagixisadu lahaayeen . Ilaa hadda lama oga khasraaha soo gaadhay jabhadda itaalka daran ee SNM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*