10th October 2024  admin  Category :

Xilalak aan sharciga iyo Dastuurka ahayn ee Farmaajo magcaabay, madaxweyne Culusowna uuna wax ka bedelin

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Culusoow, labo arimodba waa kaga duwan yahay Siyaasiyiinta kale ee Soomaaliyeed

Marka kowaad, Maaha Waddani oo waa nin qabyaaladeed, sidaas awgeedna talaabo kasta uu qaadayo waxa uu ka fiiriyaa dhanka Qbyaaladda iyo sida beeshiisu uga heli lahayd sadbursi beelaha kale ee Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan meel dhow wax kama fiiriyo ee tobinka sano ee soo socda ayuu beeshiisa khadka u jeexaa . Markii hore uu xilka hayey wuxuu qoray ciidan ka soo wada jeeda beeshiisa wuxuuna isla markiiba tababar ugu diray dalka dibadiisa. Markii ay soo laabteen waxay ku wada bilaabeen Gaashaanle. Waana sababta keentay in maanta Jeneraalada Ciidanka Soomaaliyeed oo wada dhami noqdaan beesha Hawiye.

Madaxweyne Xasan xitaa Beelaha Hawiye iyo Siyaasiyiinta beeshaasi isugu mid maaha, wuxuuna soo dhowaystaa oo had iyo jeer ku xeeran xag jirka, qaarkood qayb weyn ka soo qaatay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya

Marka labaad, Madaxweyne Xasan maaha nin la gabada, la dhuunta ama ka munaafaqeeya qabyaaladda, si cad ayuu u sheegaa, Tusaalaha ugu fiican waa markii uu Gobol iyo Nus uu maamul goboleed u samaynayey si cad ayuu wuxuu u yidhi haddaad hadal ka keentaan maamulkan . Burtinle ayuu noqonayaa xadka Galmudug iyo Puntland . Tusaalaha labaad waa markii ay Madaxweyne Farmaajo is hayeen oo sida cad ugu xog sheegtay caasimaddii Soomaaliya.

Hadaba sidee ayeey ugu hirgashay qabyaaladda uu ku dhaqmayaa madaxweyne Culusoow haddii uu ku magcaaban yahay madaxweyne Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan wuxuu Ra’salwasaaraha u magcaabaa qof ka soo jeeda beesha Daarood oo aan horay loo aqoon, si uu uga dhigto magac u yaal aan darajada loo magcaabay maahee aan awood kale lahayn. Maanta waxa shaqaddii Ra’isul wasaaraha haya Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) oo ka mid ah xag jirka HAG, ahna mulkiilaha Idaacadda Goob joog oo sida khaldan loogu isticmaali jiray Madaxweyne Farmaajo

Ugu danbayntii, nasiib darada dhacday ayaa waxay tahay Xaaraantii iyo qabyaaladdii Xasan Culusoow sidii uu rabay waxa u xalaaleeyey madaxweyne D Farmaajo si uu nabad ugu sii joogo caasimadda Soomaaliya, Boqolkii sagaashan Xilalakan la magcaabay Farmaajo oo hadda Muqdisho ka cararay ayaa magcaabay. Ma jirto sabab uu Culusoow wax uga bedelo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*