28th March 2024  admin  Category :

Raisul wasaaruhu waa Warsangeli, Gudoomiyaha Baarlamanaaku waa Warsangeli iyo inta badan Xildhibaanada dalkaas

Ra’iisal-wasaaraha Jabuuti; Guddoomiyaha Barlamaanka; Guddoomiyaha Xisbi Mucaaradka Jabuuti ; 2 Wasiir oo ka mid ah golaha wasiirada Jabuuti, iyo 17 Xildhibaan ee baarlamaanka dalka Jabuuti, intaa waxa sii dheer Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga, haddana, Wasiirka Horumarinta Dhismaha ee Ethiopia intuba waxay ka soo jeedaan wad Beesha Warsangeli, Harti.

Intaa waxa sii dheer siyaasiyiinta Koonfurta Soomaaliya intooda badan oo maanta xilka haya iyo kuwa horay u soo qabtay sida raisul wasaare Geedi iyaguna waxay ka oo jeedaan beesha Warsangeli.

Iyadoo oo reerka Maakhir taariikhdan maanta leeyihiin , horayna loo ogaa taariikhdoda, oo ay dhowaan sida Soomaalidu wada ogtahay diideen inay wax ku darsadaan Jabahadd SNM, ayaa hadda jabhaddii SNM waxay rabaan inay yiraahdaan Xilal aan ku sharafnay beesha Warsangeli ayaan siinaynaa.

Ma kula tahay beesha maanta ku leh geeska Afrika siyaasiyiinta uga badan inay Kursi Beeleed aan ujeedadiisa la aqoon qaadnayso?. Jawaabtu waa maya.

Hoos ka daawo Shiikh ka mid ah Culimada Soomaaliya kuwooda ugu caansan, looguna jecel yhay, kana soo jeeda dalka Jabuuti oo ka sheekaynaya reerka Jabuuti ka taliya oo ah reerka Warsangeli

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*