10th May 2024  admin  Category :

Degaanada ay beesha Isaaq degto diyaaraddu sagal daqiiqi iyo 45 daqiiqi ayeey dul martaa halka degaanada beelaha Harti ay dul marto saacad iyo bar

Maamulka Puntland ayaa markale ka hadlay Wada-hadalada Soomaaliya iyo SNM, oo todobadkii hore ka furmay caasimada dalka Jabuuti.

Puntland ayaa si adag uga hortimid in maamulka hawada go’aan looga gaaro wada-hadalada u dhaxeeya SNM iyo Soomaaliya, maadama aysan keligood ku koobneen, sida uu sheegay Wasiirka duulista hawada iyo garoomada Puntland.

Ilyaas Cismaan Lugatoor, Wasiirka duulista hawada iyo garoomada Dawaladda Puntland ayaa ka hor yimud in heshiis ay labada dhinac ka gaaran maamulka hawada, isagooan dalbaday in si siman loogu qeybiyo gacan ku haynta hawada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa si cad u sheegay inuusan maamulkoodu aqbaleyn waxkasta oo kasoo shirkaasi oo ku saabsan maamulka Hawada oo aysan qeyb ka aheyn Puntland.

“Hawada Somaliland 10-daqiiqa la dulmaro taan Puntland la dulmaaro 1-sac iyo 28 daqiiqo in la yiraahdo Hawada Soomaaliya waxaa loo goynaya Somaliland waa wax aan soconin” ayuu yiri Wasiir Lugatoor.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*