25th November 2024 admin Category :
Safiir ka soo jeeda Maakhir oo maalmahan la magcaabi lahaa ayaa hadda waxa laga dhigay in loo magcaabayo Safiir reer Waqooyi ah.
Safiirka Soomaalida u fadhiyi lahaa dalka Shiinaha ayaa logu waday in loo magcaabo Danjire ka soo jeeda Maakhir. Laakiinse hadda waxa reer waqooyinimo ku qaatay kooxdii horay u dhacday Xildhibaankii aqalka sare ee gobolka Sanaag,
Jawaahir Xaaji Aadan, oo la dhalatay wasiiraddii hore ee arimaha dibadda Soomaaliya Fowsiya Xaaji Aadan, oo u dhaxda nin Ingiriis ah ayaa hadda sida la sheegay xilkan loo magcaabi doona.
Haddi aad maqasho xil muqdisho looga magcaabayo, oo lagu magcaabayo magaca reer Waqooyinimo waa xil Beesha isaaq loo magcaabayo oo khiyaano Qaran ku jirto. Sidoo kale haddii aad maqasho ciidan magac Federaal Muqdisho looga qorayo ama shaqo federaal ah oo Muqdisho laga qorayo , iyaduna waa khiyaano qaran iyo shaqo abuuris loo samaynayo reer Muqdisho
Warkan oo faahfahsan gadaal ayaan ka soo qoraynaa