26th July 2024  admin  Category :

Danta ay Masaaridu ka leedahay Somaaliya waa inay u adeegsadaan Itoobiya

Weey adagtahay caalamka aynu ku nool nahay in madaxweeyne dal oo xafiiska aan joogin seddex billood uu safar ku tago 7 dal. Xasan Shiikh dawladdiisa weli waa mid aan dhameeystirneen, waxaana weli la sugayaa ku dhawaaqista golaha wasiirada. Qof dawladiisiiba aan dhameeystirneen oo iska safraya, waxeey dabcan ku tusineeysaa in madaxweeynahaas uusan aheen qofkii ku habboonaa hoggaaminta dalka.

Hooyada wannaagsan markii ay subaxdii soo kacdo waxeey carruurteeda u diyaarisaa waxeey cunnaan, weey u labistaa, waxeeyna guriga ka dirtaa iyagoo dharagsan oo nadiif ah, meesha hooyada aan caqliga u saaxiibka aheeyn ay ku kalahdo guryaha deriska, iyadoo sheeko iyo waxaan maslaxad ugu jirin ku dayacda carruurteeda.

Lama diidayo in dawladaha xiriir lala sameeysto, balse safarka waa in uu yimaadaa waqtiga ku habboon, waana marka qofka uu isku duba rido shaqooyinka muhiimka ah ee dalkiisa uu u baahanyahay. Hasa ahaatee, safaradii Imaaraadka, Turkiga, Eriiteeriya, Keenya, Jabuuti iyo Tansaaniya iyo Masar waxeey Xasan Shiikh u yihiin kuwo uu ku doonayo inuu ka soo fushado danno shakhsi ah. Madaxweeynahana waa mid doonaya inuu socdaalo badan ka sii gaarsiiyo inta aan la soo magacaabin golaha wasiirada oo in badan ay aheyd in ay wax badan ka ogaadaan heshiisyada uu soo galayo.

Safarkii uu Xasan Shiikh ku tagey dalalka Imaaraadka iyo Kenya ma’aheen kuwo ay Soomaaliya wax badan ka faa’iidayso. Imaaraadka waxeey daneenayaan ineey gacanta kuwada dhigaan dekedaha dalka oo dhan, aasaasidda ciidan ay leeyihiin Imaaraadka oo gudaha dalka Soomaaliya awood ku leh, iyo ineey carqaladeeyaan dib u soo noolaanshaha dalka Soomaaliya si Soomaaliya aysan u soo kicin. Meesha Keenya ay tahay midda kaliya ee ka faa’iiday socdaalkaas Xasan Shiikh, waayoo ah waxa Keenya loo oggolaaday in loo soo fasaxayo qaadka oo u ah ahmiyad weeyn maadaama dad badan oo beeraleey ah ay ku noolaayeen qaadka, intii uu xirnaa qaadkana ay soo wajahday dhaqaalo xumo baahsan. Keenya sidii hore u dhacday marar badan ma fulin doonto heshiisyada lala soo galay oo ay tahay ineey dhinaceeda fuliso.

Dalka Ereteeriya waxaa wax ka faa’iiday dalka Soomaaliya maadaama dawaladda dalkaas ay u tababartay 5,000 oo ciidan, mana jirto wax gacan maris ah oo yaala dalkaas. Jabuuti iyadu tegitaankeeda iyo ka joogitaankeeda midna ahmiyad uma aha dalka Soomaaliya. Turkiga ahmiyad weeyn ayuu dalka Soomaaliya ugu fadhiyaa waana mid muddan in xiriirkooda kor loo sii qaado.

Sidoo kale, shirkii Bulshada Bariga Afrika ee ka dhacay dalka Tansaaniya, Xasan Shiikh wuxuu ka dhigay mid muhiim u ah in lagu daro dalalka ku bahoobay midowgaas. Soomaaliya hadii maanta lagu daro ururkaas ma jirto wax ay ka faa’iidayaan sababtoo ah dalka Soomaaliya isagii ayaaba isku furneen, dhul badan waxaa ka taliya argaggixiso, dalka waxaa ciidan u ah ciidamo Afirkaan ah, wax soo saar la dhoofin karo ma jiro, dalka malaha lacag, 4.5 ayaa wax lagu soo doortaa oo weli ma lihin siyaasad fadhida. Teeda kale, madaxweeynaha isaga oo aan dhoofin ayaa codsiga la dirsan karaa, madaxda wadamada ku jirana waxaa looga dhameeyn karaa in Soomaaliya lagu daro qadka taleefanka.

Dalka masar iyagu hal maslaxad ayeey ka leeyihiin dalka Soomaaliya oo ah in loo adeegsado dalka Itoobiya si loo carqaladeeyo quwadda korantada ay kala soo baxeeyso webiga Nile. Qaar ka mid ah Soomaalida ayaa dhinaca kale aaminsan in dalka Masar ay taalo waxbarasho tayadeedu wannaagsan tahay, balse caalamka waxaa kaga horeeysa Koonfur Afrika, Turkiga, Maleeshiya, Hindia, Sacuudiga iyo Shiinaha. Dhaqaalaha marka la yiraahdana, Masar iyada ayaa dhaqaalo raadis ah, marka ma jirto wax weeyn oo Masar lagu xisho oo aan ka aheeyn ineey Soomaaliya ay ka shaqeeyso lugooyadeeda.

Marka la isku soo duubo safarada Xasan Shiikh waa kuwo dhamaantood uu ka leeyahay dan shakhsi, mana jirto sabab looga dhigo ahmiyad in adduunka loo safro, iyadoo dalka gudihiisa ay ka jirto dhibaatooyin badan. Waxaana arki doonaa Xasan Shiikh oo leh 4 sanno kadib, “Safar ninkiisaa dhameeystira” ee mar seddexaad ayaan doonayaa inaan Soomaaliya ku hoggaamiyo siyaasadda safarka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*