
16th November 2025 admin Category :
Saddexda Qaybood ee Soomaalida ee ka Soo Horjeeda Doorashada Omar Fateh.
Doorashada duqa magaalada Minneapolis ee uu u taagan yahay Senator Omar Fateh ayaa dhalisay kala qaybsanaan ka dhex dhalatay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota. Inkasta badi dadka Soomaaliyeed ay taageersan yihiin Fateh sababo la xiriira shaqadiisa iyo u doodista danaha bulshada, haddana waxaa jira koox yar oo si cad uga soo horjeeda. Kooxahaas waxaa si guud loogu kala saari karaa saddex qaybood:
1. Kuwa aan garaneyn waxa ay ka hadlayaan – kuwa aaminsan fikirka ah “ninka cad ayaa ka sareeya kan madoow”
Kooxdan waa dad aan si dhab ah u fahansaneen siyaasadda magaalada, balse ay u muuqato fikirkii hore ee kala sarreynta .
Tusaale ahaan, mid ka mid ah guddoomiyeyaasha jaaliyadaha ayaa mar uu ka hadlayey casho loo qabtay Frey xafladii la sheegay inay qabteen reer Koonfur Galbeed ka yiri:
“Ninkaan Frey dadkiisa ayaa wata, marka anaga maxaa naga reebay nin dadkiisu wataan.”
Hadalkan wuxuu muujinayaa aragti qaldan oo ku dhisan in ninka cad ama “nin dadkiisa wata” uu yahay mid mudan, halka Fateh lagu tilmaamayo sidii qof “shisheeye ah” ama aan ka tirsanayn bulshada Minneapolis sida uu qofkaasi u ekaysiinayo hadalkiisa waa “in ninka madoow uu san hogaamin karin magaalladan.
2. Kuwa hore ugu qabay Fateh ciilkii sharcigii caanka baxay ee Uberka –
Kooxdan waa dad horay uga cadhaysnaa Fateh sababo la xiriira guushiisii arrimihii sharcigii Uber iyo danta darawallada Minnesota.
Waxay aaminsan yihiin in Fateh uu “ka hor istaagay irsaaqad uu Alle u qoray,” iyagoo si shakhsi ah u qaadanaya doorkiisii siyaasadeed ee uu ugu doodayey xuquuqda iyo nidaamka Uber iyo Lyft u shaqeeeyaan, iyadoo xusid ay mudan.tahay in aad loogu diirsaday sharciga uu meel mariyey siday in badan sheegaan Darawalada “
Xasuus waxaa mudan in AUN Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre uu hore u oron jiray dadkaan oo kale :
“Iimaanka Allaha ha idinka qadee danta dadkiina ka shaqeeya.”
Marka ogaada Fateh-na sidaas ayuu sameeyey — wuxuu u halgamay danta guud, laakiin dadka qaarkood waxay u arkaan inuu shaqsiyan u diiday nolol.
3. Kuwa dano shaqo iyo jago raadis ah
Qaybta saddexaad waa kuwa kursi iyo jago doon ah. Qaar baa sheegaya in xafiiska duqa magaalada shaqo ama boos loogu ballanqaaday,
Kooxdan waxay taageeradooda u saleynayaan dan shaqsi ah, ma laha madba’ siyaasadeed.
Waxaa cajiib ah in mar kasta oo Frey loo qabanayo kulan ay Soomaalida ku lug leedahay:
Magaca kulanka iyo ujeedadiisa lama shaaciyo.
Marti sharafta ayaa la dul keenaa iyadoo aan la ogeyn oo loo sheego ujeedo kale .
Ma jiro hal kulan oo ay Soomaalidaasi si rasmi ah u shaaciyeen ama flyer lagu soo daabacay inay xafladd u qabanayaan Frey oo mar walba wax kalaa lagu qaldaa. Dhamaan kulamada Frey ay u qabtaan hal koox uun ka soo muuqda.
Sida ay sheegaan dad ka shaqeeya doorashadiisa in madaxda sare ee ololaha Frey ay aqoonsaneen in taageerada kooxdan aysan ahayn mid dhab ah, maadaama:
Hal qof oo Soomaali ah oo lacag u soo uriyey ololaha Frey uusan jirin, marka laga reebo qof oo xiriir fog la leh isagu muddo dheer.
Inta kale waa taageero “balaa macno ah” — mid aan sal iyo raad lahayn oo ku dhisan dano gaaban ama jahli siyaasadeed.
Gunaanad
Marka la eego saddexdan qaybood, waxaa muuqata in taageeradooda Frey aysan ka iman sabab siyaasadeed oo dhab ah, balse ay salka ku hayso:
Jahli iyo aragtiyo qaldan oo ku dhisan aaminsanaan kala sarreynta jinsiyadda.
Ciil hore oo ka dhashay arrimo shaqo iyo dano gaar ah.
Rajo jago iyo dano shaqsiyeed oo ka baxsan danta guud.
Tani waxay iftiiminaysaa baahida weyn ee bulshada Soomaaliyeed u qabto in ay isku duubnaato, fahamna ka hesho siyaasadda deegaanka, si ay codkooda uga dhigaan mid leh qiime iyo saamayn dhab ah — halkii uu noqon lahaa mid lagu kala qaybiyo dano gaaban ama aragti xumo siyaasadeed.
Siyad Salah







