9th January 2025  admin  Category :

Lacagtii Sadaqada Ahayd Ee Baladweyne Looga Uruuriyay Magaalada Laascaanood Ayaa Mansab Siyaasadeed Lagu Doontay Huteelada Magaalada Muqdisha-na Lagu Dhex Raxaysanayaa.

Lacagihii laga ururiyey Masaakiinta reer Laascaanood, ayaa markii Muqdisho la tegay waxa xilal doonkii beesha Dhulbahante sheegeenin in lacagtan laga soo ururiyey waqooyiga Soomaaliya iyaga oo raali gelina qaar ka mid ah madaxda Isaaq

Guddigan sheegaayey Gudida Gurmadka Gobolka Sool , Ayaa Magaalada Laascaanood Laga Soo Anbabixiyey, Waxaana la Filayay Inay Baladweyne Gaadhaan, Lakiinse Waxaay u duuleen Muqdisho Oo Huteelo Raaxa Ah Dagan Yihiin, Ayna Marba Siyaasiyiin La Kulmayaan.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahadi Maxamed Guuleed ayaa kulan soo dhaweyn ah la qaatay Guddi dhallinyaro iyo culimo ah oo ka soo kicitamay Gobolka Sool, kuwaas oo si isxilqaan ah isugu soo duba-riday howlihii gurmad ee bulshada Gobolkaasi ay kaga qeyb qaadanayeen gurmadka walaalaha Baladweyne.

Raiisul Wasaare Kuxigeenka ayaa ku bogaadiyey bulshada Gobolka Sool dareenka wadaniyeed ee ay u muujiyeen walaalahooda ay saameeyeen fatahaaduhu, isagoona si gaar ah ugu mahadceliyey culimada iyo dhallinyarada isu xilqaamay arrinkan.

Xildhibaan Sharmaarke Garaad Saleebaan Buraale oo kulankan kalmad ka jeediyey ayaa tilmaamay muhiimadda gaarka ah ee ay leedahay in dadka Gobollada Waqooyi ay la qeybsadaan walaalahooda kale ee dalka duruufaha soo food saara, taas oo xoojinaysa isdhexgalka bulsho iyo midnimada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*