26th July 2024  admin  Category :

Sacuudiga oo xayiraada ka qaaday xoolaha ay u dhoofiso Soomaaliya

Wasaaradda deegaanka, biyaha, iyo beeraha Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday inay qaadeen xayiraadii saarneyd xoolaha looga soo dhoofiyo Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda, islamarkaana la soo dhigay barta fariimaha gaa-gaaban ee Twitter-ka ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Sacuudiga ay dib u fasaxday xoolaha looga keeni jiray gudaha Soomaaliya, kuwaas oo muddo hakad-jiray.

”Sacuudiga waxaa uu xayiraadii ka qaaday xoolaha looga keeni jirey Soomaaliya.” ayaa lagu yiri qoraalka kooban ee ka soo baxay wasaaradda deegaanka ee Sacuudiga.

Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay in la filayo ugu yaraan 600,000 oo Ido ah iyo 100 kun oo Geel ah la keeni doono suuqyada maxalliga ah ee dalkaasi, 30 maalmood gudahood, kadib marka uu dhammaado muddada go’doominka caadiga ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*