7th September 2024  admin  Category :

Sacuudiga oo laga furayo dukaankii ugu horreeyey ee lagu iibiyo khamriga

Sacuudi Carabiya ayaa isku diyaarineysa inay caasimadda Riyadh ka furto dukaankii ugu horreeyey ee lagu iibiyo khamriga, kaasi oo si gaar ah ugu adeegi doona diblomaasiyiinta aan muslimiinta aheyn, ilo-wareedyo ayaa sidaas u sheegay Reuters.

Macaamiisha ayaa iskadiiwaan-gelin doona mobile app, kadib waxay ogolaansho ka heli doonaan wasaaradda arrimaha dibedda, ayaga oo ixtiraami doona qoondada loogu talo-galay bishii inay iibsadaan, sida ku cad dokumenti ay aragtay Reuters.

Tallaabadan ayaa mid taariikhi u ah dadaallada boqortooyada, ee uu hoggaaminayo dhaxal-suge Maxamed bin Salman, ee dalkan muslimka ah loogu furayo dalxiisayaasha iyo ganacsiga, maadaama cabista khamriga ay mamnuuceyso diinta Islaamka.

Waxay qeyb ka tahay qorshaha ballaaran ee loo yaqaan Vision 2030, ee Sacuudigu ku doonayo inuu kaga baxo ku tiirsanaanta dhaqaalaha shidaalka.

Dukaanka cusub ayaa ku yaalla xeendaabka diblomaasiyadda ee Riyadh, oo ah halka ay degan yihiin safaaradaha iyo diblomaasiyiinta, waxaana “si xooggan loogu xaddidi doonaa” dadka aan muslimiinta aheyn kaliya, ayaa lagu yiri dokumentiga.

Ma cadda haddii ajaaniibta kale ee aan Muslimiinta ahayn loo ogolaan doono dukaanka. Sacuudiga ayaa waxaa ku nool malaayiin ajaaniib ah oo badankood ah Maslimiin ka yimid Asia iyo Masar.

Ilo-wareedyo xog-ogaal u ah qorshaha ayaa sheegay in dukaanka la furi doono toddobaadyada soo socda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*