7th September 2024  admin  Category :

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho waxay sheegayaan in uu dib u dhac ku yimid shir ay dawladda federaalka Soomaaliya ku baaqday in uu ka dhaco magaalada Muqdisho, kaasoo lagu martiqaaday madaxdii hore hogaanka u soo qabatay oo ay ku jiraan madaxweynayaal, ra’iisul wasaareyaal, guddoomiyeyaal baarlamaan iyo madax kale oo hore dalka xilal uga soo qabatay.

Ujeedada shirkan la isugu yeeray, martiqaadkana loo fidiyey ayaa ah sidii dawladda Soomaaliya ay ”uga tala galin lahayd, ra’yigoodana u dhegeysan lahayd” madaxda dalka hore u soo hogaamisay, si loo ogaado waxa ay ka qabaan qorshaha ay Madasha Wadatashiga Qaran soo bandhigtay bishii May ee ku saabsan doorashooyinka lagu baaqay in dalka ay ka dhacaan ee qof-iyo-cod, iyo hanaanka xisbiyada dalka iyo baabinta xafiiska Raysal wasaaraha si loo sameeyo madaxweyne iyo madaxweyne xigeen.

Jawaari
Qoraalka sawirka,Prof. Maxamed Cismaan Jawaari, guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya

Sarkaal ka tirsan madaxtooyadda Soomaaliya ayaa BBC u sheegay in kulan uu qeyb ka yahay wada tashi madaxweynuhu la yeelanayo qeybaha bulshada oo ay ugu horreeyaan madaxdii hore iyo siyaasiyiinta. Waxa uu intaa ku daray in shirka lagu casuumaday dhammaan madaxdii hore. Kulanka oo horey loogu qorsheeyay in uu qabsoomo maanta ayaa waxa uu dib ugu dhacay berri oo Arbaco ah. Madaxda casuuman waxaa ka mid ah dhammaan madaxweyneyaashii hore oo ay ka mid yihiin Shariif Sheekh Axmed, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, raysal wasaareyaal hore iyo guddoomiyeyaashii baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan
Qoraalka sawirka,Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan

Yaa la filayaa inay ka qayb galaan, yaase ka qayb gali doonin?

Kheyre
Qoraalka sawirka,Xasan Cali Kheyre

BBC waxay xiriir la sameysay madaxda la casuumay qaarkood, oo u xaqiijiyay inay ka qeybgalaan shirka, halka kuwa kale na ay ka cudurdaarteen ka qeybgalka shirka. Xildhibaan Yuusuf Gama’diid oo ka tirsan xisbiga uu hogaamiyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed wuxuu BBC u sheegay in dhankooda, xisbiga Himilo Qaran, oo uu hoggaaminayo Sheekh Shariif ay shirka ka qayb gali doonaan.

“Halkaas ayaan taladeenna iyo ra’yigeenna ka jeedin doonnaa,” ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Gama’diid. Laakiin waxaa jira walaac ay muujiyeen qaar ka mid ah dadka lagu casuumay, iyadoo madaxda qaar ay doonayeen in shirka lagu koobo xubnaha diidmada kala horyimid heshiiskii madasha qaran oo keliya.

Sida uu BBC-da u xaqiijiyay Cabdulqaadir Cali Dige, Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya, madaxda kale ee la filayo inay Muqdisho tagaan si ay shirka uga qayb galaan waxaa ka mid ah Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxmaan, Maxamud Cusmaan Jawaari, iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah saddexdii guddoomiye ee isaga kala dambeeyay guddoomiyenimada baarlamaanka, raysal wasaareyaashii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Maxamed Xuseen Rooble, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Cabdiweli Cali Gaas iyo Cali Maxamed Geeddi.

Siyaasiyiinta aan ka qeyb galeynin

Saacid
Qoraalka sawirka,Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya

Sida uu BBC-da u xaqiijiyay Cabdulqaadir Cali Dige, Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya, waxaan shirka berri ka qeybgeli doonin madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Sidoo kale waxaan ka qeybgeleynin raysal wasaareyaashii hore Cabdi Faarax Shirdoon iyo Cabdiweli Sheekh Axmed. Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan, iyo Raysal wasaare hore Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa uga maqan shirka arrimo la xiriira caafimaad, sida uu BBC u xaqiijiyay agaasimaha madaxtooyadda Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud. Waxaa sidoo kale shirka ka qaabday Raysal wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon arrimo la xiriiro safaro iyo shaqooyin kale oo u gaar, isaga oo ku cudurdaartay in uusan kasoo gaari karin, sida uu inoo sheegay agaasime Xuseen Sheekh. Xiriir BBC la sameysay saddexda masuul weli nooma suurtogelin in aan xog dheeraad ah ka helno.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*