26th July 2024  admin  Category :

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xilalka u kala wareejiyey Wasiirada cusub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xilalka u kala wareejiyay Wasiirada cusub ee Wasaaradaha Maaliyadda, Mudane Biixi Iimaan Cige iyo Wasiirkii hore Dr Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Maxamed Cilmi Ibraahim, si ay u gutaan waajibaadka Qaran ee loo Igmaday.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasabadaha xilalka loogu kala wareejinayay Wasiirada cusub ayaa kula dardaarmay in ay si hufan uga soo dhallaalaan waajibaadka culus ee loo dhiibay, iyadoo la waafajinayo qorsheyaasha horutabinta u leh Xukuumadda DanQaran.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*