26th April 2024  admin  Category :

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo war ka soo saaray geerida Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi ayaa amray in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo qaabkii loo dilay Xildhibaanka.

Hoos ka akhriso qoraalka Ra’iisul Wasaaraha:

Waxaan erayada ugu adag ku cambaareynayaa falkii argagixiso ee caawa lala beegsaday Allaha u naxariistee xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo lagu dilay Baladweyne.

Waxaan murugada la qeybsanayaa ugana tacsiyeynayaa qoyskeedii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed geerida Xildhibaan Aamina.

Waxaan farayaa hay’adaha amniga ee ku shaqada leh in ay baaritaan waafi ah ku sameeyaan sidii uu u dhacay falkan waxshinimo ee lagu dilay xildhibaanadda.

Xildhibaan Aamina oo tusaale u ahayd matalaadda shacabka iyo baadi doonka caddaaladda, waxay dadkeeda iyo dalkeeda ugu soo shaqeysay sida ugu wanaagsan ee karaankeeda ah.

Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu jannadii Firdows ugu deeqo, ehelkeeda iyo ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*