26th July 2024  admin  Category :

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa kulan gaar ah la yeeshay labada guddoomiye ee baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Rooble ayaa guddoomiyeyaasha KMG ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka cusub wuxuu kala hadlay sidii loo dardar-gelin lahaa dhammeystirka doorashooyinka dalka.

Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhaban-cad oo ah guddoomiyaha ku meel gaar ah ee golaha shacabka iyo Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo isna ah guddoomiyaha KMG ah ee Aqalka Sare ayaa si wadajir ah u iclaamiyey in berri oo Sabti ah ay furmayaan kulamada labada Aqal.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*