26th December 2024 admin Category :
Ra’iisal Wasaaraha DF ee Soomaaliya Kheyre ayaa xilkii ka qaaday seddex wasiir oo ka mid ah gollaha wasiirada kuwaas oo kalla ah wasiirka arrimaha dibbedda, gudaha iyo ganacsiga.
Mudane Yusuf Garaad Omar, Wasiirkii Wasaarada Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah waxaa lagu baddalay
Danjire Axmed Ciise Cawad oo loo magacaabay Xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda JFS
Marwo Khadra Axmed Ducaale, Wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha waxaa lagu baddalay:
Mudane Maxamed Cadi Xayir (Maareeye) oo loo magacaabay Xilka Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda JFS.
Mudane Abdi Farah Said (Juxa), Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta waxaa lagu baddalay:
Mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo loo magacaabay Xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-Heshiisiinta ee Xukuumadda JFS.
Allsanaag.com