26th April 2024  admin  Category :

Wasiir Jamaal ” Gargaarka bani aadanimo lama siyaasadayn karo. Sharciyo Caalamiya ayaa ka yaala.

Wasiirka Qorshaynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dawlada Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan wuxuu ku dhashay gobolka Sanaag, maalintII  uu dhashayna  caaqilkii ugu caansanaa gobolka Sanaag wuxuu ahaa aabihiis Caaqil Maxamed Caqil Xasan Muuse Allah ha u naxariistee. Maanta Mooryaan yar oo shaqo ka helay BBC, oo  aan taariikhda Soomaalida wax badan ka ogayn ayaa waydiinaya wasiirka oo Dhahar jooga inuu ku sugan yahay degaano ay  Isaaq iyo Warsangeli ku muransan yihiin.

Bulshaddii Soomaaliyeed ee magaalooyinka  Ceel Daahir, Cawsane, Midigale, Rad, Badhan iyo  Dhaahr u istaagna xoojinta  midnimada Soomaaliya oo calanka Buluuga ruxayey,  BBcda laanta  af Soomaliga ee Moortaanta maamushu indhahoodu ma qaban. Xildhibaandii federaalka, wasiiradii amniga, waxbarashada, xanaanada xoolaha, duulista hawada ee maamulka Puntland  oo wafdiga ka mid ahaa   laanta af Soomaaliga ee BBCDA ee Mooryaanta u gacan gashay indhahoodu ma qaban.

Ciidamaddii kal duwaa ee Puntland ee amniga sugayey, laanta AF Soomaaliga ee BBCda ee Mooryaanta u gacan shashay indhahoodu ma qaban. Horumarka Puntland ka samaysay gobolka Sanaag oo inta subaxdii laga kaco degmada Badhan loo guraac tago degmada Qardho lagana qadeeyo Dhahar oo madaxweyne Cabdiweli Gaas ka hor maalin iyo habeen qadan jirtay, Bbcda laanta af Soomaaliga ee Mooryaanta u gacan gashay indhahoodu ma qaban.

 

https://youtu.be/wFofmtzMa6U

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*