27th July 2024  admin  Category :

Mid ka mid ah wasiirada Maamul Goboleedka Hargeeysa ayaa aad  oga xummaaday hadal dhawaan uu yiri Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka DF ee Soomaalia, kaas oo sheegay in Soomaaliland wax la yiraahdo aan la isku raacsaneen,, dadka badankiisana ay doonayaa Soommaliweeyn, balse la caburinayo.

Ninka wasiirka ka ah Maamulka Goboleedka Hargeeysa ayaa sheegay in wixii dad ahaa ee ka soo jeeday beesha Isaaq ee tagayey Muqdisho aysan weligood ka hadlin Soomaaliland inaan la isku raacsaneen, balse waxaa wasiirka laga dareemayey hadalkiisa inuu dhibsaday kalmada ah Soomaaliland dadku ma wada rabbaan iyo goosashada toona.

Hadaba waxaa dhab ah, inaan goosashada iyo kalla jarridda dalka Soomaaliya aan loo dhammeen, balse goosashada ay doonayaan oo kalliya koox yar oo ka dhex aragtay maslaxadooda. Intii been lagu noolaan lahaa, waxaa ka wannaagsan in runta loo soo deggo.

HADALKII WASIIRKA MAAMUL GOBOLEEDKA HARGEEYSA

HADALKII RA’IISAL WASAARA KU XIGGEENKA DF EE SOOMAALIYA

HADABA MUUQAALADA HOOSE MARKA AAD DAAWATO, MIYAA LOO DHANYAHAY GOOSASHADA? DADKA KU HAYA HABEEN IYO MAALIN DAL BAAN NAHAY, GOORMA AYUU CAQLIGA U SOO NOQON DOONAA?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*