29th March 2024  admin  Category :

Rooble oo magcaabay Guddi ka soo wada jeeda beesha Hawiye oo ka wada shaqeeya Banaan bax

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta la qaatay Madaxda Midowga Musharaxiinta kulan dhammeystir u ah heshiiskii 25-kii Febraayo ay gaareen Dowladda Federaalka iyo Midowga Murashaxiinta ayaa magacaabay labo guddi oo dhaqan-geliya qodobbadii horey la isula qaatay.

Eng. Rooble ayaa dul istaagay muhiimadda ay leedahay in dhammaan loo midoobo marxaladdan muhiimka u ah dowladnimada dalkeenna, wadajirna lagu wajaho duruufaha siyaasadeed iyo caafimaad.

“Kadib kulankii aan maanta la yeeshay Midowga Murashaxiinta,Madaxweynaha Hirshabelle & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaan magacaabay 2 guddi oo ka shaqeyn doona arrimihii aan isla garannay; Guddiga qabanqaabada Dibadbax nabadeed & Guddiga baarista dhacdooyinkii 19-kii Febraayo.”

Labada Guddi ee isku dhaf ka ah ayaa midkood ka shaqeyn doono sidii Midowga Musharaxiintu u qabsan lahaayeen isu soo bax nabdoon si wafaaqsan qodobka 20aad ee Dastuurka KMG, halka guddiga labaadna uu baaritaan ku sameyn doono dhacdooyinkii 19kii Febraayo 2021.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Guddiga qabanqaabada bannaan baxa oo ka kooban 6 xubnood in ay mudnaan gaar ah siiyaan halista amni iyo midda caafimaad ee ku xeeran dalka, lana raaco tilmaamaha hay’adaha amniga iyo kuwa caafimaadka. Xubnahaas oo kala ah;

1.Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Xasan Xundubay Jimcaale Abgaal,Hawiye
2. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) Abgaal, Hawiye
3. Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Cadaala) Habargidir, Hawiye
4. Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Habargidir,Hawiye
5. Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle Abgaal, Hawiye
6. Musharax Madaxweyne Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow Murursade, Hawiye

Guddiga labaad ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu magacaabay ayaa loo xilsaaray baaritaanka dhacdooyinkii 19kii Febraayo waxayna kala yihiin;

  1. S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac Goobbe.
    2. Col. Maxamed Cabdulqaadir Xaaji
    3. S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare
    4. S/Guuto Maxamed Cali Bariise
    5. G/le Dhexe Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud
    6. Xuseen Macalin Maxamuud

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*