27th April 2024  admin  Category :

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle oo muddo bil ah ay biyo go’odoomiyeen.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa imanaysa iyadoo muddo bil ah magaalada Jowhar ay saddex jiho ay biyo ugaga hareereysan yihiin ayna maciishada nolosha sare u kacday.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Gargaarka ee dowlada Federalka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye,wasiirka warfaafinta iyo mas’uuliyiin kale.

Maamulka Hirshabelle ayaa waxa uu dhowaan kuy eedeeyay dowlada federalka inay iska indho tirayso dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha wabiga Shabelle ayna hakisay dhaqaale wadamo ka mid ah caalamka ay ugu deeqeen wax ka qabashada fatahaadaha.

Kumanaan qoys ayaa ku barakacay fatahaad ka dhalatay wabiga Shabelle horaantii bishii aynu ka soo gudubnay iyadoo sidoo kale fatahaaduna ay baabi’isay kumanaan hekter oo ay dalagyo kala duwan ku abuurnaayeen.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen oo shalay gaaray magaalada Jowhar ku soo dhoweeyay magaalada Jowhar iyadoo diyaarad helikabtar ah ay ka soo dejisay ra’iisul wasaaraha saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin dhinaca Bari ee magaalada Jowhar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*