28th March 2024  admin  Category :

Shir ka dhacay aaladda Zoom-ka ayaa waxaa yeeshay ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada, waxaana looga hadlay doorashada iyo ladagaalanka argigixisada.

Warar ay Goobjoog News ka heshay ayaa sheegaya in Rooble ku adkeystay in doorashada ay ku dhacdo waqtigeeda iyo in Galmudug laga taageero ladagaalanka argigixisada.

Wararka ayaa intaas ku daraya in laga hadlay maalgelinta doorashada iyo xaaladda Gedo iyo Baladweyn, waxaana la isku afgartay in shirarka la sii wado, lana dardargeliyo hawlaha doorashada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*