26th April 2024  admin  Category :

Roobkii Guga oo ka Da’ay Degmada Waaciye iyo Nawaaxigeeda(Sawiro).

Roobkan Degmada Waaciye ka da”ay ayaa ahaa Roob Baaxad leh,kaas oo dhamaan Biyo geliyey Berkadaha Biyaha Lagu Keydiyo ee Degmada Waaciye iyo Tuulooyinka iyo dhulka Miyiga ah ee Hoos Yimaada.

Sidoo kale deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Bari  ayaa laga soo sheegayaa inuu ka bilowday dhibcihii Guga, waxaana magaalooyinkaasi ka mid ah magaaladda Degmada Carmo iyo Nawaaxigeeda iyo weliba Degmada Qandalla ee Gobolka Bari.

Roobkan Raxmada Eebe Ah ayaa yimid deegaanada Soomaaliya dhamaantood ay ka jirtay abaar baaxadleh taas oo saameyn ku yeelatay dad iyo duunyoba, waxaana dadweynuhu ilaahay baryayeen inuu ilaahay ka jabiyo abaarta dabadda dheeraatay ee ka jirta wadanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*