28th March 2024  admin  Category :

RoobabKii Da’ay Buuralayda Gobolka Sanaag oo Xoolo Farabadan laayey.

Wararka ayaa sheegaya in Roobab xoogan ay ka da’een deegaano badan oo ka tirsan gobolka Sanaag, roobabkaasi oo sababay dhimashada xoolo badan oo ku sugnaa duleedka degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Deegaanada roobabka ka da’een ayaa waxaa ka jiray abaaro daran oo saameeyay xoolaha iyo dadka ku nool qeybo kamid ah gobolka Sanaag.

Ku dhawaad 500 oo neef oo ari iyo iddo ah ayaa u dhintay roobabka oo dabeylo xoogan watay oo ka da’ay degmada Ceerigaabo iyo deegaanada ku dhow dhow, sida xoolalayda ay sheegeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*