26th July 2024  admin  Category :

Raisawasaaraha la magcaabay oo la kukmay Xildhibaanada beelaha Hawiye ee baarlamaanka Soomaaliya

Kulankaan oo uu manta Ra’iisul wasaraha magacaaban ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre uu la qatay Xildhinabaanno ka tirsan beelaha Hawiye  baarlamanka Soomaaliya ayuu kaga codsaday in ay codka kalsoonida siyaan marka uu hortago Golaha shacabka Soomaaliya si uu ugu adeego Dalka, isla markaana ay tageeraan Xukumadda uu soo dhisi doono.

Mudane Xasan Cali kheyre ayaa Xildhibaanada kulankan kula qaatay hoyga uu ka degan yahay Madaxtooyadda u soo bandhigey Barnamijka Xukuumadda uu ku hogaamin doono si dalkeenu u gaaro horumarka ay shacabka Soomaaliyeed hiigsanayaan, kaasi oo ay si wayn usoo dhaweyeen Xildhibanadii kulanka ka qayb galay.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah qabqablayaasha xildhibaanada beelaha Hawiye  ee manta kulanka la yeeshay Ra’iisul wasaraha magacaban ayaa tilmaamay in mudane Xasan Cali kheyre uu yahay aqoon yahan ku haboon in uu hogaamiyo Xukuumadda Soomaaliya. Madaxweynahana uga mahad celiyey Magacaabistiiisa.

 


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*