26th July 2024  admin  Category :

Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Kismaayo

Ra’isul Wasaaraha dowladda Federaalka Xamsa Cabdi Barre ayaa safar la xiriira ‘u kuurgelidda xaaladaha bini’aaddantinimo ee ka dhalatay daadadka El-nino oo saameyn xooggan ku yeeshay Jubaland, dardar-gelinta howl-galka wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab’ ku tagay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubaland.

Ra’isul Wasaaraha oo ay wehliyeen xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada ayaa waxaa garoonka diyaarahada ee Kismaayo kusoo dhaweeyay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, xubno ka tirsan maamulkiisa iyo shacabka Kismaayo.

“Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee Jubbaland ayaa la xiriira u kuurgelidda xaaladaha binu aaddantinimo ee ka dhalatay daadadka El-nino oo saameyn xooggan ku yeeshay deegaannadan, dardar-gelinta howl-galka wajiga 2aad ee ciribtirka Khawaarijta, xarig jarka iyo dhagax-dhigga mashaariic horumarineed iyo xoojinta wada-shaqeynta hey’adaha Federaal iyo kuwa dowlad-goboleed Jubbaland.” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Jubaland ayaa waxaa si weyn u samaayay daadadka cimilada El Nino oo ku si ba’an sannadkan ugu dhifatay Soomaaliya, waxaana ka dhashay khasaare naf iyo maalma leh

.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*