7th September 2024  admin  Category :

Ra’isul Wasaare Kuxigeenka XFS oo daah-furay Shir u dhaxeyo Xukuumadda Faderaalka iyo Saaxibada Caalamka

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta la kulmay ku-xigeenka madaxweynaha Bangiga Adduunka ee u qaabilsan Horumarinta Karaanka Aadanaha, Marwo Mamta Murithi.

Marwo Mamta oo maanta dalka soo gaartay ayaa waxay ra’iisul wasaare ku-xigeenka ka wada-hadleen qorsheyaasha istaraatiijiyadeed iyo kuwa hortabinta u leh Soomaaliya ee horumarinta karaanka bulshada.

Sidoo kale waxay diirada saaren sidii Bangiga Adduunku u sii wadi lahaa, loona ballaarin lahaa taageerada uu Soomaaliya ka siiyo xagga horumarinta awoodda waxqabad ee bulshada.https://69a08667ef3e8d7d547a8ae9b6f7dfbd.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-40/html/container.html

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa la wadaagay wafdiga Bangiga Adduunka muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado horumarinta xirfadda iyo aqoonta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Dhankeeda ku-xigeenka madaxweynaha Bangiga Adduunka ayaa ugu hambalyeysay Xukuumadda Dan-Qaran guulaha waawayn ee ay gaartay muddadii ay jirtay, gaar ahaan dhammaystirka hannaanka dayn cafinta dalka oo guul ku soo idlaaday dhammaadkii sanadkii tagay.

13-kii December ayaa Soomaaliya si rasmi ah looga cafiyay guud ahaan deyntii uu caalamka ku lahaa. Soomaaliya ayaa waxaa laga cafiyay ku dhowaad deyn 5-bilyan oo dollar, taasi oo ay badankeed ku lahaayeen Mareykanka, Faransiiska, Ruushka, IMF, World Bank iyo Paris Club.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*